Sida Madaxda Iyo Siyaasiyiinta Somalidu Uga Falceliyeen Doorashada SLAND.
Madaxweynaha Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhamaal hambalyo ah u diray musharraxa ku guulaystay
xilka madaxtinimada jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro.
War ka soo baxay
madaxtooyada ayaa lagu yiri: Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la
doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa
Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi
Sidoo kale,
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye
natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka
dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.
Qoraalka hambalyada ee
ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu sheegay madaxweynaha la doortay
ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro: Sidaan" Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan
Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay dhammaystirka
wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah
horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed,".
Raysal wasaaraha Soomaaliya
Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale hambalyo u diray madaxweynaha la doortay
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.
Qoraal lagu baahiyay
baraha bulshada ee xafiiska raysal wasaaraha iyo boggiisa gaarka ah ayaa lagu
yiri: "Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u
rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee
loo doortay. ayuu yiri Raysal Wasaaraha xkuumadda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynhii hore ee
Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna hambalyo iyo boogaadin u diray
madaxweynaha doorran ee Somaliland.
Dhanka kale waxaa
madaxweynaha la doortay hambalyo u diray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar
Geelle.
Madaxda Maamul
goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale u hambayo u diray Cirro.
Sidoo kale siyaasiin
iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u hambalyay
Cabdiraxmaan Maxamed Cbadullaahi Cirro.
Doorashada dadwayne ee
ka dhacday Somaliland waa mid mudan boggaadin, iyadoo ay heshiis kuwada
ahaayeen Xisbiyadda iyo ururada siyaasadeed oo dhan.
Geedi-socodkaan
dimuquraadiyadeed ee Doorashada tooska ah waxay shacabka Somaliland siisay
fursad ay si nabad ah oo daahfuran codkooda ugu dhiibtaan.
BBC