Muxuu Yahay Warka Dawlada Itoobiya Ka Soo Saartay Doorashada SLAND.
Dawlada Federaalka
Itoobiya ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay madaxweynaha la doortay ee
Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ku
guulaystay cododkii ugu badnaa.
Sidaasna waxa lagu
sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya oo
bayaamisay iyadoo ku hadlaysa magaca shacbiga iyo dawladda Federaalka Itoobiya
ay madaxweynaha la doortay ee Somaliland
Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
ku bogaadinayso doorashada madaxtooyada ee uu ku guulaystay.
Sidoo kale, waxa
Dawladda Itoobiya ay hambalyeysay
madaxweynaha la doortay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Madaxweyne
Muuse Biixi dimuqraadiyadda tusaalaha
mudan ee ay soo bandhigeen.
Siday faafisay
wakaaladda wararka ee SOLNA, Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxa ay u
rajaynayso maamulka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland uu ku guulaysto muddo
xileedkiisa.