Hambalyo: Madaxwaynaha & Madawayne Ku/Xigeenka Cusub Ee La Doortay

0
Tuesday November 19, 2024 - 19:51:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo: Madaxwaynaha & Madawayne Ku/Xigeenka Cusub Ee La Doortay

    "Si guud waxa aan ugu hambalyaynayaa shacabka xariirta ah ee reer Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Si guud waxa aan ugu hambalyaynayaa shacabka xariirta ah ee reer Somaliland
Farxaan Maxamed Yuusuf oo ka mid ah siyaasiyiinta guunka ah ee xisbiga Wadani ayaa hambalyoku aadan isbedelka dalka ka dhacay diray waxana uu yidhi

"Waxa aan hambalyaynayaa Madaxwaynaha la doortay ee Somaliland Amb. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo Madaxwayne ku xigeenka la doortay Amb. Maxamed Cali Aw-cabdi, waxana aan ku hambalyaynayaa guusha taariikhiga ee ay ka soo hooyeen doorashooyinkii dalka ka dhacay November 2024, waxana aan leeyahay Eebe xilka ha idinku Asturo.


"Waxa aan sidoo kale hambalyaynayaa Gudoomiyaha Xisbiga Wadani, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aan ku hambalyaynayo guusha xisbul-xaakimka cusub ee Wadani ka soo hooyayay doorashooyinkii dalka”.

"Si guud waxa aan ugu hambalyaynayaa shacabka xariirta ah ee reer Somaliland oo dhan oo aan u kala hadhin ay barbar istaagaan isbedelka dalka kadhacay, iyaga oo markaas codkooga ugu hiilayay guushan taariikhiga ah”.

"Si gaar ah waxa aan u hambalyaynayaa taageerayaasha Xisbiga Wadani iyo Isbahaysiga isbedel-doonka ah ee gobolada Awdal & Salal, gaar ahaan magaalooyinka Boon, Xariirad, Garbo, dadar, Saylac, Lughaya, Aasacado, Ceelgaal, Cabdiqaadir Jidhi, Sheekh Awaare, Toqoshi, Geed-haad, Fiqi-aadan, Habaas, Daba-dilaac, Odowaadari, Riiga indho-biraale, Caluweeci, Gargooreey, Gargaara, Lughaya, Osoli, Fardaha, Baki, Riiga Karuure, Riiga Kalawle, Xoog-faras, Geerisa, Ido-cadays iyo degaanada kale laga codeeyay”.

"Waxa aan leeyahay taageerayaashs xisbiga ee degaanadan waxa aad muujiseen, cududiina, codkiina ayaad ugu hiiliseen isbedelka, guul iyo gobanimo ayaanad horseed u noqoteen”.

Insha’allah fartiina eedi maysaan markan

Loading...
Loading...