Taabo Maska!
Waxaa uu soo qaatay muraayad labageesood ah,
Albert Mandura waa aqoonyahan kasmayaqaana( psychologist) Isaga oo daawaynaya dadka cabsida badan( phobia) ayaa uu dadkii ka-soo-qayblayaasha ahaa ku yidhi: qolkan innagu xiga oo ay masas joogaan ayaynu tagaynaa ee inna kiciya"!
" Alla, haddii ay meesha masasba ku jiraan ma tago iyo aniguba kuma jiro, haddii masasba la sheegayo", ayaa uu qof waliba ugu jawaabay. Laakiin, Mandura waxaa uu sameeyay hab tallaabo tallaabo ah oo guuleystay, kaasi uu kaga saarayo dadkan cabsida.
Waxaa uu soo qaatay muraayad labageesood ah, oo dadku ka arki karaan masaska qolkaa kale ku jira. Way iskala qabsadeen, wayna ku raaxaysteen . Way kaceen oo u yara dhawaadeen goobtii. Haddana wuu yara waday. Mar kale, inta uu kaxeeyay, ayaa uu horgeeyay qolkii masasku ku jireen, waliba isaga oo furan. Halkaas ayay ka daawadeen, iyaga oo caadiya oo aan baqaneyn.
Markii xigtay, inta ay gashadeen gacmagashi( gloves) ayay galeen gudihii qolka, waxa ayna si dhab ah u taabteen maskii! Marka ay maskii taabteena, waxa waliba way wanaagsanadeen. Weyna dawoobeen dadkii!
Haddaba, dadka habkaa tallaabo tallaabada ah maray ee ugu dambeyntii taabtay, waxaa uu arrintoodu ku dhammaatay warwar iyo cabsi la'aan. Waxyaabaha kale ee noloshooduna waa sidaas uun. Si adag ayay wax isugu dayeen. Muddo dheer bay sii wadeen. Waxay u adkeysteen waji kasta oo ay guuldarrato la timaado. Waxayna heleen kalsooni cusub. Kalsoonidaa cusubna waxaa uu Albert Mandura ku magacaabay: " self-efficacy".
Haddaba, waxa aynu ka baran karnaa in ay wax waliba yihiin kalsoonida. Maanta ma jiro qof aan rabin in uu wax sameeyo. Mid walba maankiisa waxaa jira wax uu ku haminayo in uu gaadho, balse wuu ka cabsoonayaa. Tallaabada kowaad ayaynu qaadi karin laanahay, balse haddii aad tallaabo qaado mid ba mid ayay kuu dhiibi. Kalsooni cusub oo aannad markii hore lahayn ayaa kugu dhalan.
Haddii aynu fulinno aragtidan uu soo saaray Albert Mandura ee "Self-efficacy" oo in uu qofku rumaysto awoodda uu ku qaban karo hawsha uu qorsheeyay, kuna gaadhi karo yoolkiisa qiimaha leh.
W/Q: Maxamed Haybe Axmed.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...