Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Somaliya Oo Hargeysa Ku Geeriyooday
"Xilalka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa inuu soo noqday…"
Allaha u naxariistee
waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ku geeriyooday
xalay, Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) oo horey dowladdii ku meel-gaarka
ahayd ee Soomaaliya uga soo noqday wasiirka arrimaha dibadda, sida ay daabacday
idaacada BBC-du.
Yuusuf Dheeg ayaa sidoo
kale ahaa khabiir ciidan iyo diblomaasi sare oo dalal kala duwan safiir ka soo
noqday.
Xilalka uu soo qabtay
waxaa ka mid ahaa inuu soo noqday taliyihiii ciidamada cirka xilligii dowladdi
kacaanka.
Dadka aqoonta u lahaa
waxaa ay ku tilmaameen inuu ahaa nin aad ugu xeel-dheer arrimaha ciidamada iyo
diblumaasiyadda.
BBC.
Loading...
Loading...