Waa ayo dadka xilalka waaya marka Xukuumad joogtay talada laga qaado ee ay Xukuumad kale timaado talada
Cida ugu horraysa waxa ugu wayn waa M/W iyo ku Xigeenkiisa. Waxa ku xiga Golaha Wasiirada ilaa la gaadhayoxilalka yar yar ee hoose ee Madaxwaynaha markaa joogaa magacaabo. Waxa kale xilkooda waayaya waxa ka mida. Guddoomiyaha Maxakamdda Sare, Xer Ilaaliyaha Guud iyo dhamaan Hayadaha Dawliga ah. Gudoomiyaha Baanaka Qaranka ayaa isnaiska tagaya.
Xukuumadda imanaysa ee talada waddanka qabanaysa 5ta sannadood ee soo socda waa in ay si qoto dheer uga fiirsato cida qabanaysa Xilalka Halbowlaha u ah ee Xukuumaddu ku dhaqaaqayso ee ay hawlgalineyso. Waayo waa muhim in loo xulo dadka howsha u qabanaya ummadda waddanka Somaliland.
Isbadalkana waxa laga arkayaa sida Xukuumaddu ay u soo xusho dadka shokaanta u qabanaya waddanka 5ta Sannadood ee Soo socda.
Wax kasta oo Xukuumaddu qabanaysana waa in uu ku salaysnaadaa wixii ugu qoraa Barnaamijkii siyaasadeeda ugu qornaa ee ummadda lala wadaagay.
Xukuumaddan cusub ee waddanka wadaysa muddada 5ta sannadood ah ee ummaddu igmatay in ay qabato wixii ay ka waayeen xukuumadihii hore waa in uu noqdaa wax la taaban karo.
In lala shaqeeyo Xukuumadda cusub oon cagaha la qabana waa iga dardaaran.
Guul Somaliland.
Engr Saeed dhakoshe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!