Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay halyay Qaran...
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, isagoo ku hadlaya magiciisa iyo ka bahda Garsoorka JSL, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan Qaranka Somaliland, ee uu ka baxay AHN Madaxweynihii hore ee dalka marxuun mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo xalay ku geeriyooday hoygiisa magaalada Hargeysa.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay halyay Qaran oo ku suntan halgankii xoraynta iyo dib-u-dhiskii dalka, waxaanu xusay in uu ahaa ruug caddaa iyo siyaasi tiir dhexaad u ahaa siyaasadda casriga ah ee JSL isla markaana dalka kala soo dabaashay duruufo adag iyo marxalado qalafsan, muddadii uu xilka madaxweynenimo hayayna bulshada ugu adeegay sidii ugu mudnayd.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, ehelladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin.

AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...