DEG DEG Muuse Biixi Oo Qaabiley Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee ka Socday dalalka caalamka.

0
Thursday November 14, 2024 - 20:50:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Muuse Biixi Oo Qaabiley Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee ka Socday dalalka caalamka.

    Goob-joogayaasha oo ka socday 12 dal kana koobnaa 20 qof ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goob-joogayaasha oo ka socday 12 dal kana koobnaa 20 qof ,,,


May be an image of 12 people, lighting and dais


Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay goob-joogayaashii caalamiga ahaa ee ka socday dalal caalamka ee u yimi doorashooyinkii dalka ka dhacay shalay.


Madaxweynaha Somaliland ayaa warbixino ka dhegeystay Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee dalka u yimi inay qiimeeyaan lana socdaan habsami u socodka doorashooyinka Axsaabta ururada, Xisbiyada S’land iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo dalka si nabadgelyo ah uga qabsoontay 13-November 2024.


Goob-joogayaasha oo ka socday 12 dal kana koobnaa 20 qof oo isugu jira Ra’iisal wasaare hore, wasiiro hore iyo khuburo ku xeel dheer arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo shalay kormeer ku tagay Gobolada Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer oo ay ku soo arkeen nidaamka iyo kala danbaynta ay Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ay codkooda u dhiibanayeen, taas oo ay ku amaaneen shacbiga Somaliland inay ilaashadeen nabadgelyadooda, farriina u direen beesha caalamka, muujiyeena inay yihiin dal iyo dad u diyaarsan inay ka mid noqdaan dalalka caalamka ee la aqoonsanyahay.


Sidoo kale waxa ay madaxweynaha la wadaageen koob iyo toban qodob oo uga soo baxay kormeerkii ay ku tageen gobolada dalka intii ay ka gaadheen shalay, iyagoo beri oo jimce ah shir jaraa’id ku qaban doona Caasimada Hargeysa oo ay kula hadlayaan warbaahinta ka hawl-gasha Gudaha Dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Loading...
Loading...