DEG DEG Tirinta codadka doorashada Gobolka Morrodi jeex oo bilaabatay
Waxaa si habsi leh u socda tirinta codadka doorashooyinka madaxtooyada iyo urururda siyaasadda ee shalay ka qabsoomay deegaannada Somaliland.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, oo xalay xilli dambe la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in si nabad ah ay ku soo xirmeen goobihii dadweynuhu codkooda ka dhiibtaan isla markaana ay si nabad ah ku socoto tirinta codadkii la dhiibtay.
Wuxuu sheegay in codadka degmooyinka iyo gobollada marka la tiriyo loo soo gudbinayo xaruunta dhexe ee guddida.Guddiga doorashooyinka ayaa ka digaya natiijooyin aan sugneyn kana soo bixin iyaga oo lagu baahinayo baraha bulshada.
Muuse Xasan guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa ku baaqay in dadku ay is dejiyaan kana war sugaan natiijada doorashooyinka oo ay guddigu soo saari doonaan marka la dhameystiro tirinta codadka.
Muddo toddobaad ah ayay qaadan doontaan in lagu dhawaaqo natiijada sida uu qabo xeerka u yaalla guddiga, markaa oo ku beegan 21-ka bishaan Nufeembar.