DEG DEG Tirinta cododka ayaa goobaha qaar ka bilaabatay oo magaalada Hargeysa kamid tahay iyadoo dadkii ugu badnaa ay maanta dhiibteen codkooda.
Doorashadda madaxtooyada waxaa ku tartamaya saddexda xisbi
Guddoomiyaha Komishinka doorashooyinka Qaranka Soomaaliland oo ka hadlay sida ay u socoto tirinta codadka ayaa shaaciyey in ilaa iyo hada goobo yar ay wali dadku ku jiraan safafka ayna rabaan iney dhiibtaan codadkooda.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa beeniyey in ay soo baxday natiijo hordhac ah oo kasoo baxday goobaha lagu codeynaayey balse natiijada rasmiga ah laga sugaayo guddiga ku shaqada leh taas oo uu sheegay iney qaadan karto maalmo tiriteedu.
Doorashadda madaxtooyada waxaa ku tartamaya saddexda xisbi ed kala ah Ucid, Wadani iyo Kulmiye oo ah kan hada talada Soomaaliland haya.
Doorashadan maanta ka bilaabatay Soomaaliland ayaana waxa ay kamid noqotay doorashooyinka Africa ka dhaca ee hadal haynta badan abuura ayna tan ay kamid noqotay kuwaas mar loo eego xisbiyada tartamaya iyo shacabka codkooda dhiibtay sida ay ugu heelanaayeen.
Waxaana doorashadan kormeerayaal ka ahaa xubno ka tirsan beesha caalamka kuwaas oo bogaadiyey qaabka nabadu ku dheehan tahay ee dadku u codeynayaan shaqsiga iyo xisbiga ay rabaan.
Wax walba oo ku saabsan doorashada kala soco halkan.
Loading...
Loading...