Codkaaga ugu Codee Ciddii san.
Waxa ay maalmo Ka hadheen maalintii loo dareeraayey cod bixinta doorashada Madaxweyne iyo sidoo kale ururada ee Jamhuuriyada barakaysan, taas oo loo qoondeeyey in ay qabsoonto Arbacada 13/11/2024 . Haduu Alle yidhaahdo Ciddii nasiibku uu kusimay inay codkooda dhiibtaan waxa aan ku boorin lahaa inay codkooda u bixiyaan si kafiirsasho leh, oo ay codkooda Ku doortaan Musharaxii dalka iyo dadka Jamhuuriyada barakaysan ay Dani ugu jirto, adiga oo Ka duulaaya xisbiga iyo musharaxiisa waxa arin uga qoondaysan maaraynta iyo meel marinta mabaadiidiisa xukuumadeed ee uu Ku ololaynaayo inuu meel marindoono hadii talada dalka loo cugto oo loo cumaamado.
Hadaba mudanayaaaha u sharaxan jagada Madaxweyne waa Mudane Muuse Biixi Cabdi, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Ciri" iyo Mudane Faysal Cali Xusseen.
Runtii waa saddex Mudane oo saaxada siyaasada aan ku cusbayn oo waa muwaadiin waxa ay gudaan iyo waxa ay galaan laga wada dharagsan yahay, hadaba iyada oo taasi jirto ayuu humaag hadana Ka saaranyahay dad badan sida ay Ku xulan lahaayeen mudanaha jagada xilka Ku munaasib ah, taas oo ay sabab u tahay Soomaal/soolis/soodhiiji-nimadu, maxaa yeeley Soomaal/Soolis/Soodhiijisku waa Ummad Alle ugu dowgalay Iskala SOOC iyo qabyaalad, taas oo sabab u noqonaysa in laga marsado wax aan Dani ugu jirin. Hadaba saddexda musharax waa saddex Mudane oo hadaan lays makiikiyahayn habeen iyo dharaar Kala ah.
Hadal iyo dhamaan meel yar Ka fiiri ama kadhugo ama Ka EEG, Mudane Muuse Biixi wadamku imisa gobol ayuu ahaa maalintii madaxweynaha loo cumaamaday? Maantana waa imisa gobol?!. Mudane Faysal Cali Waraabe isagu gudoomiye xisbi jago Ka saraysa nin u jeeda maaha waayo xisbiga Ucid waa xisbiga ugu Da'da weyn xisbiyada Jira, hadana ilaa maalintii lagu dhawaaqay ilaa maanta aynu joogno Mudane Faysal ayaa horjooge Ka ah sidaa awgeed Mudane Faysal xisbigii wakaa cid Ka nasisa u igman waayey ee Málaha xisbigii horjoogaha qudha Ku bilaabay ee uu Ka dhamaystay ayuu doonayaa inuu noqon!.
Mudane Cabdiraxmaan Ciro waa muwaadinka ugu fadalada cad runtiina isbadel dhab ahna soo kordhinkara hadii la Doorto, se waxa ay u taalaa intii cod bixinta u darayreysee, Codkaaga ugu Codee Ciddii SAN.
Alle ayaa mahad leh
Khadar/Qadar Hooyoley
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!