Gudoomiye Ciro Oo Ka Hadlay Colaada Ceel Afweyn Iyo Nabad Galyada Somaliland

0
Friday July 19, 2019 - 18:24:45 in News by
  • Visits: 4017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Ciro Oo Ka Hadlay Colaada Ceel Afweyn Iyo Nabad Galyada Somaliland

    Gudoomiye Ciro Oo Ka Hadlay Colaada Ceel Afweyn Iyo Nabad Galyada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Ciro Oo Ka Hadlay Colaada Ceel Afweyn Iyo Nabad Galyada Somaliland


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) ayaa gaadhay wadanka Sweden.


Gudoomiye Ciro oo ay soo dhaweeyeen jaaliyada somaliland ee wadankaasi iyo taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa ka hadlay colaada mar kale ka soo cusboonaatay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Related image


Gudoomiye Ciro oo ugu horayn ka hadlaya nabad galyada somaliland ayaa waxa uu yidhi "Waxaan isleeyahay somaliland waxay u baahan tahay oo jiritaankeeduna ku jiraa oo caalamkuna ku majiiran jiray nabad, dal nabad ah ayuu ahaa waxaana loo baahan yahay in nabadiisa la xoojiyo,waxaanan isleeyahay malaa qolada kulmiye wali waxaanay gashan inay qaranka xukuumadu u yihiin oo malaa sadexdii xisbi oo tartamaya, waxaanan idinkula dardaarmayaa inaad midnimadiina ilaashataan hadaad tihiin jaaliyada.”


Gudoomiye Ciro oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay colaada ka taagan ceel Afweyn isaga oo sheegay in hada nabada lagu qasbi doono dadweynaha Ceel Afweyn waxaanu yidhi "Arinta nabad galyada ee Ceel Afweyn way inagu soo noq noqotay, waxaanan isleeyahay dhaliil badan ayey ku leeyihiin dadka walaalaha ah ee gobolkaas wada dagaa, somaliland-na waxba kalamay hadhin wadaad, xisbi iyo xukuumad hadana waxaad moodaa in arintii naga dhamaan wayday, markaa reer Sanaag doorkan nabada waynu ku qasbaynaa oo waynu ku sandulaynaynaa oo waynu iskugu tagaynaa aniguna diyaar ayaan u ahay inaan Ceel Afweyn tago marka aan dalkii tago.”

Loading...
Loading...