"Gudida Farmaajo Magacaabay Maaha Mid Wada Hadal Ee Dagaal Iyo Xaasidnimo Ayaa Loo Magacaabay"
Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi oo ka mid ah golaha deegaanka degmada Burco ayaa ka hadlay sida uu u arko guddida uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada hadalka somaliland.
Xildhibaan Bidhi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu guddidaasi ka taagan yahay mawqifka ay xukuumada somaliland ka istaagtay waxaanu yidhi "Guddida uu magacaabay madaxweyne Farmaajo waxaan u aragnaa inaanay ahayn guddida wada hadalka somaliland iyo soomaaliya laakiin ay tahay guddi uu u magacaabay dagaal iyo xaasidnimo, waxaanan la mawqif ahay oo aan taageerayaa warkii ka soo baxay madaxtooyada somaliland, guddidaasna waxaan u arkaa guddi soo afjartay wada hadalkii isla markaana ay yihiin guddi uu u magacaabay colaad iyo dagaal, wada hadalkuna in badan ayey soo socdeen dawladii Xasan Sheekh ayaana ugu dambaysay.”
Xildhibaan Bidhi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Haddii somaliland iyo soomaaliya wada hadleen macnuhu maaha inay is raacayaan balse waxa laga wada hadlayaa xasuuqii ay gaysatay dawladii Siyaad Bare, malaayiin dad ah oo reer somaliland ah ayaana la xasuuqay inta ay joogaan ardaydii siyaad bare-na cidiba wada hadli mayso, dagaal ayaanay iclaamisay dawlada Muqdisho anaguna diyaar ayaanu u nahay.”
Sidoo kale xildhibaan Bidhi ayaa ka hadlay mawqifka ay istaageen beelaha direed ee Muqdisho "Waxaan u mahad celinayaa beelaha Direed ee ku shiray Muqdisho oo ka horyimid qaabka ay dawlada Farmaajo u shaqayso ama ay u xaasidayso shacabka iyo dawlada somaliland.”
Dhinaca kale xildhibaan Bidhi ayaa sheegay in xukuumada somaliland kaga guulaysatay Soomaaliya in la sii daayo markabkii ku xayirnaa "Dawlada Xamar ee Farmaajo dagaal badan ayey galeen waxaanay ku dedaaleen in xoolaheena la soo celiyo qaar dambana aanay inaga tagin laakiin waxa lagu guulaystay in xoolihii laga dajiyo markabka kuwii kalana ilaa xalay laga rarayey dekeda Berbera, dawlada somaliland ayaana dedaal badan galisay oo kaga guulaystay Soomaaliya.”