Barnaamijka Cusub Ee FaceApp Oo La Dalbaday In Baadhis Lagu Sameeyo Iyo Sababta

0
Friday July 19, 2019 - 17:45:19 in News by
  • Visits: 2435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijka Cusub Ee FaceApp Oo La Dalbaday In Baadhis Lagu Sameeyo Iyo Sababta

    Barnaamijka Cusub Ee FaceApp Oo La Dalbaday In Baadhis Lagu Sameeyo Iyo Sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijka Cusub Ee FaceApp Oo La Dalbaday In Baadhis Lagu Sameeyo Iyo Sababta


Hoggaamiyaha aqalka Sanatka ee tiro badan yahay dalka Mareykanka Chuck Schumer ayaa ku baaqay in baaritaanno lagu sameeyo barnaamijka cusub ee dhawaan soo baxay ee FaceApp kaas oo sawirrada lagu dhalan rogayo, qofkana uu sawirkiisa ka dhigi karo hadba da'da uu doono in uu isu ekeeysiiyo.

Sanatar Chuck Schumer wuxuu ku tilmaamay FaceApp 'Mid dhibaato badan leh


Warqad uu soo geliyay barta Twitter-ka ayaa waxaa uu Schumer ku tilmaamay barnaamijka FaceApp "Mid dhibaato badan leh” oo horseedi karo in xogta muwaadhiniinta Mareykanka uu gacanta u geliyo dal shisheeye oo cadaw ah.


Waxaa walaac laga muujiyay in laisku haleyn karo shirkadda Ruushka laga leeyahay ee soo saartay FaceApp kaddib markii dhawaan dunida uu si weyn ugu baahay.


Balse shirkaadda FaceApp waxay beenisay eedeymaha loo jeediyay.


"Inkasta oo kooxda daraasaadka iyo baaritaanada shirkadda uu fadhigeedu yahay Ruushka balse xogta dadka isticmaala FaceApp looma gudbiyo Ruushka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay FaceApp, bayaankaas waxaa tebisay warbaahinta TechCrunch.


Senetar Schumer ayaa waxaa uu ka codsaday laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI-da iyo guddiga ganacsiga Federaalka inay baaritaanno ku sameeyaan baarnaamijka FaceApp.


"Waxaan walaac xooggan ka muujinayaa sida loo xaqiijin karo badqabka xogta dadka isticmaalaya barnaamijka”


Shirkadda waxay sheegtay in 80 milyan oo qof ay adeegsadaan barnaamijka FaceApp.


 


Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...