Deg deg Wasiir Kaahin oo Joojiyay isu soo Baxyadii Xisbiga ee Gobolada Bariga Somaliland.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen isu soo baxii xisbiga Kulmiye ee gobollada Barri ee dalka kuwaasi oo kala ah Togdheer, Sool iyo Sanaag.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliand ayaa joojinta isu soo baxyada xisbiga ee goboladan ku sifeeyay inay jiraan xaalado khuseeyay nabadgelyo darro, taasi oo uu dagaal ka dhacay degmada Qorilugud, waxaanu xusay inay tixgalinayaan xaaladahaasi waxaani yidhi
" waxa aynu ka war haynaa gobollada Bariga ee Jamhuuriyadda Soamliland inay ka jirto xaalado arrimo nabadgelyo khuseeya, ayaamihii ina soo dhaafayna dagaalo culusi ay ka dhaceen, weerar lagu soo qaaday jiidaha ka mid ah gobolka Togdheer Degmo doorashada Buuhoodle ee Aaga Qorilugud.
Annaga oo tixgalinayna xaaladahaasi iska jira, annaga oo tixgalinayna dhibaatooyinkaa lagu soo qaaday deegaamada ay dadka shacabka ahi dagan yihiin ee degmo doorashooyinka ah, annaga oo tixgalinayna qalalaasahaasi inta hoos loo dhigi karo in hoos loo dhigo, annaga oo tixgalinayna in dhibaatooyinkaasi loo toga hayo oo arrimahaasi laga war hayo, diyaar garaw nabadgelyona laga sameeyo waxaan halkan ka soo jeedinayaa in xisbiga Kulmiye gobollada Sool, Togdheer iyo Sanaag maalinta berito ah ololeheeda doorashada aan laga qabanin, xisbigu uu ku e’kaado hawl xisbiyeedka xafiisyada iyo meelaha ku haboon socdaaladooda, gobollada Galbeedkana si caadi ah looga qabto isu soo bixii maalinta Berri ah ee uu xisbigu leeyahay”.
Gebo’gabadii Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sidoo kale hambalyo iyo boggaadin u diray shacabka madaniga ah ee degmada Qorilugud sidii ay u difaaceen dalka iyo deegaanadoodaba, waxaanu sheegay inay ka xukuumad ahaan ku bar bar joogaan.