Murashaxa Cirro oo Sheegay in uu u Taagan Yahay Difaaca Bulshada, Wadanka iyo Somaliland.

0
Thursday November 07, 2024 - 10:49:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashaxa Cirro oo Sheegay in uu u Taagan Yahay Difaaca Bulshada, Wadanka iyo Somaliland.

    Murashax Cirro waxa uu bulshada reer Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashax Cirro waxa uu bulshada reer Somaliland



Musharraxa Madaxxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weheliyeen masuuliyiinta Xisbigaasi ayaa fagaaraha beerta xorriyadda ee Magaalada Hargeysa, shalay kaga qayb-galay ololaha doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda Somaliland, halkaas oo ay soo buux dhafiyeen tageerayaasha xisbiga Waddani, kuwaas oo ku lebisnaa astaamaha xisbiga, isla markaana ruxayey calanka, waxaanay ku dhawaaqayeen halku dhigyo iyo erayo ay ku muujinayeen tageerada baaxada leh ee ay u hayaan Musharraxiinta Xisbiga iyo weliba Xisbiga Wadddani.



 

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kala qayb galay taageerayaasha xisbigiisa fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in isbedelku uu ku imanayo codka bulshada.

 

Murashax Cirro waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay doorashada u diyaar-garoobaan oo ay soo dhaweystaan kaadhadhkooda. Sidoo kale waxa uu siweyn ugu mahadceliyay ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, waxa uu sheegay inay dhex-dhexaad ka noqdeen arrimaha doorashooyinka.

 

Murashax Cirro waxa uu si gaara ugu mahadnaqay salaadiinta madax-dhaqameedka iyo guddida beelweynta Habar-jeclo oo uu sheegay inay sabab u ahaayeen inay doorasho dalka ka dhacdo, waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay inta diyaarad loo kireysto in Burco looga soo hanjabo.

 

Cabdiraxmaan Cirro oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxa aynu maanta soo gaadhnay doorasho qabsoomideeda hawl badani innaga qabsatay, doorashadii madaxtooyada iyo ururada siyaasada waxa innooga hadhay lix maalmood, ALLE ayaynu ugu mahadcelineyna.

 

Arbacadan maanta, Arbacadeeda waxa aynu u dareeraynaa doorasho, waxaad dooran doontaan hoggaamiyaha aad codkiina siineysaan, kaas oo idin hoggaamin doona shanta sanno ee soo socota, isbedelku waxa uu ku imanaya codkiina.

 

Doorashadu waxay guul u tahay Somaliland, Somaliland baa guuleysaneysa, rajada shacabka ayaa rumoobeysa codkiina ayay ku rumoobeysaa, codkiinu yuu meel khaldan marin.”

 

Murashax Cirro waxa uu si gaara ugu mahadnaqay salaadiinta, madax-dhaqameedka iyo guddida beelweynta Habar-jeclo oo uu sheegay inay sabab u ahaayeen inay doorasho dalka ka dhacdo, waxaanu yidhi "Waxaan mahadcelin balaadhan ujeedinaya salaadiinta iyo madaxda dhaqanka iyo guddida beelweynta Habar-jeclo, ALLE kasekow suuragaliyay inay maanta doorashadani inoo qabsoonto, odayaashaasi may mudneyn in lacagtii dowladda diyaarad lagu kireysto oo Burco looga soo hanjabo, odayadaasi waxay Somaliland ka mudan yihiin mahadnaq iyo abaal-gud.”

 

Cirro waxa uu si weyn ugu mahadceliyay ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, waxa uu sheegay inay dhex-dhexaad ka noqdeen arrimaha doorashooyinka. Waxaanu yidhi."Waxaan u mahadcelinaya dhammaan ciidamada Qaranka JSL, ee kala duwan inay cadeeyeen inay doorashada dhex-dhexaad ka yihiin, ciidamada Qaranku waa astaan Qaran, waxaan faraya inay sugaan ammaanka sanaaduuqda doorashada haddii ILLAAHEY yidhaahdo,”

 

Sidoo kale waxa uu guddida doorashooyinka Qaranka uga mahadceliyay sida ay u qabyo-tireen inay doorashado dalka ka dhacdo. Waxaanu yidhi."Waxaan u mahadcelinaya guddida doorashooyinka Qaranka kuwaas oo qabyo-tirey qabsoomida doorashada, aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin”

 

Geesta kale waxa uu xukuumadda ku eedeeyay inay ka gaabisay difaaca bulshada degmada Qori-lugud, waxaanu taageerayaashiisa faray inay ka qayb qaataan difaaca dadkaasi. Waxaanu yidhi. "Bulshada Somaliland dowladda ayaa ka masuul ah nabadgelyadooda, bulshada Qori-lugud difaacoodu wuxuu saarnaa imikana saaran yahay Qaranka JSL, Qaranka JSL waa in uu difaaco degmada Qori-lugud, iyo dhammaanba degmooyinka Somaliland, xilkaasi waxa uu saaran yahay xukuumadda ee bulshada ma saarna, innagana waxa innagu waajib ah in aynu shacabka gacansiino, oo difaacooda kala qaybgalo”

 

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in uu u taagan yahay difaaca dalka, dadka iyo Qaranka. Waxaanu yidhi. "Anigo oo ah Murashax Madaxweyne waxaan u taaganahay in aan difaaco dalkayga, dadkayga iyo Qarankeyga, bulshada reer Qori-lugudna waxaan leeyahay waanu idin garab taaganahay dhammaantayo

 

"Qarankana waynu difaacayna doorashadana waynu galayna, doorashadana waynu galayna, shacabkana waynu difaacayna”Ayuu yidhi Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

 

Murashax Cirro ayaa shaqaalaha dowladda, Waaxyaha Bahda Garsoorka iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan kula dardaarmay in ay dhex u ahaadaan xisbiyada iyo ururada siyaasadda Somaliland ee tartamaya. Isla markaan aanay ku dhex milmin arrimaha siyaasadda.

 

Waxaanu yidhi "Waxaan kula dardaarmayaa shaqaalaha dowladda, waaxda Garsoorka iyo ciidamada Qaranku inaanay ku milmin siyaasada, ninkii siyaasad doonaya shaqada ha ka tago, Saxaafadda waxaan ka codsanayaa iyo isbaheysigu inay diwaangeliyaan qof kasta oo xeerkaasi jabiya”

 

Dr. Cirro isaga oo khudbadiisa siiwata waxa uu sheegay in la bilaabay boobka hantida Qaranka, waxaanu masuuliyiinta Qaranka ka codsaday in amaannada loo dhiibey aanay ku takri-falin.

 

Waxaanu yidhi."Waxa bilaabmay imika boobka hantida Qaranka, waxaan masuuliyiinta xilalka haya uga digeya inay ammaanada loo dhiibey ku takri-fala’aan, waxaan leenahay ilaashada sharaftiina iyo qofnimadiina shacabkuna wixii laga boobay way ka daba-tegi doonaan haddii ALLE yidhaahdo”

 

Gaba-gabadii Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay doorashada u diyaar-garoobaan oo ay soo dhaweystaan kaadhadhkooda.

 

Waxaanu yidhi."Aynu doorashada u diyaar-garowno, aynu isbedelka taageerno, Somaliland guusheedu waxa ay ku jirta in isbedelku yimaado, isbedelkana waxa hoggaaminaya isbedel-doonka iyo isbaheysiga isbedel-doonka, oo uu kow ka yahay xisbiga Waddani, waxaynu dhalin doona guul Somaliland, wada leedahay, waxaan u mahadcelinaya dhammaan bulshada ka soo qaybgashay ololahayaga doorashada”

 

Loading...
Loading...