Dhooqo Ruux Ku Dabaashayo,Qoyan Baan Iska Dhawrin,Dhiriqo Kama Leexdo.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Dhaqaaluu Ku Rabaayo,Dar Dhintayba Baxsan Waayo,
Dhulkii Goortu Dhameeyay,Dhamaantiiba Xaraashay,
2-Dhoof Kuwii Ku Maqnaabu,Xasan Sheekh U Dhaqaqo,
Dhulkoodiiyu Ku Ceshuu,Dhawr Kun Dhaafsanayaa,
3-Dhegxumo Looma Dhinte,Dhiriqdii Dhex Dabaalayoo,
Dhadhamuu Siistay Dadkii,Ku Dhaqna Yurubto Dhan,
4-Dhurwa Xoolo La Raacshay,Dhoolahu Ka Qoslaayeh,
Dhagartina Ma Qaaday,Soo Dhaweyse Wax Ka Dheefa.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!