Ruushka Oo Siyaableh Uga Hadlay Doorashada Maraykanka.
Waxaa laga yaabaa inaad filayso in Kremlin-ka uu ugu faraxsanana doono marka Donald Trump uu ku guuleysto Aqalka Cad.
Ololaha, musharraxa
Jamhuuriga ayaa ka fogaaday inuu dhaleeceeyo Vladimir Putin. Si ka duwan Kamala
Harris: waxay ugu yeertay madaxweynaha Ruushka "kaligii taliye gacan ku
dhiigle ah".
Trump ayaa sidoo kale
su’aal galiyay baaxadda kaalmada militari ee Mareykanka uu siiyo Kyiv.
Si guud, si kastaba ha
ahaatee, Kremlin-ka ayaa ka baxaysa jidkooda si ay u bixiyaan aragtida ah in
aysan ku faraxsanayn guusha Trump.
"Kama warqabo wax
qorshe ah oo madaxweyne Putin uu ugu hambalyeynayo Trump," ayuu yiri
afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov. "Ha iloobin in [Mareykanku] yahay
'dal aan saaxiib ahayn' kaas oo si toos ah iyo si dadbanba ugu lug leh dagaal
ka dhan ah dawladeena."
Sources : BBC