Hadday Doorteen Taraam,Dunidii Way Kala Direen,Dantaada Dalkasoow Ku Foof.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Dunidu Inay Waalantahay,Dalkii Lagu Dayan Lahaba,
Intuu Dimuqraadi Nacay,Denbiile U Doortay Qaran.
2-Door Bay Bidayaan Beliyo,Dagaal Ogiyo Wax Daran,
Dunub Loo Haysto Badan,Dagaaliyo Raba Burburin.
3-Dabkii Gubayay Shiteene,Reer Bari Ha Ku Diirsadaan.
Diir Madoow Ha Dareryeen,Yuhuudi Ha Dabaaldegte.
4-Hadday Doorteen Taraam,Dunidii Way Kala Xidheene,
Dalkastowba Danta Jiro,Intaad Deristahiin Ogoow.
5-Dawaanu Lahayn Galbeedo,Daantaa Bariga Ka Roon,
Duulki Dugsadan Qadayn,Diintenu Waa Lama Huraan
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!