Michael Rubin oo Dawladda Maraykanka ugu Baaqay in aanay Somaliland Barbar Dhigin Soomaaliya

0
Wednesday November 06, 2024 - 18:25:34 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Michael Rubin oo Dawladda Maraykanka ugu Baaqay in aanay Somaliland Barbar Dhigin Soomaaliya

    Wuxuu bayaamiyay in 1991-kii Somaliland ay dib ula soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu bayaamiyay in 1991-kii Somaliland ay dib ula soo



Michael Rubin oo ah aqoonayahan u dhashay dalka Marakaykanka isla markaana falanqeeya arrimaha siyaasadda caalamiga ah, gaar ahaan siyaasadda iyo isbedelka Geeska Afrika, ayaa dawladdiisa Maraykanka ku canaantay in ay iska idho-tirayso qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.

 

Aqoonyahan Michael Rubin waxa kale oo uu sheegay in siyaasadda Maraykanka oo ku sallaysan Soomaaliya mid ah ay u danaynayso dawladda Shiinaha oo tartan wayn kula jirta dawladda Maraykanka, isla markaana ay ku loolamayaan awoodda iyo saamaynta ay ku leeyihiin dalalka Afrika, gaar ahaan mandaqada Geeska.

 

Michael Rubin wuxuu warbixintiisa oo ay soo xigatay Wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA, uu kaga hadlay

 

in Siyaasadda wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ee "Soomaaliya mid ah” ay tahay mid ay dan weyni ugu jirto dalka Shiinaha.

 

Qoraaga ayaa ku tilmaamay siyaasaddan mid indhaha ka lalinaysa Somaliland oo ahaan jirtay dal madax bannaan oo iskii ula midoobay Soomaaliya 1960kii. Waxaanu bayaamiyay in 1991kii Somaliland ay dib ula soo noqotay madax banaanideeda, iyada oo Soomaaliya inteeda kale u burburtay dawlad la’aan, fawdo iyo qas.

 

Warbixintan uu warbaahinta dunida ku qoray aqoonayahanka Maraykanka ah ee Michael Rubin oo ay soo turjuntay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxay u qornayd sidan "Siyaasadda Maraykanka oo ku sallaysan Soomaaliya mid ahi waxa ay dan u tahay Shiinaha.”

 

Michael Rubin wuxuu warbixintiisa kaga hadlay in Siyaasadda wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ee "Soomaaliya mid ah” ay tahay mid ay dan weyni ugu jirto dalka Shiinaha. Qoraaga ayaa ku tilmaamay siyaasaddan mid indhaha ka lalinaysa Somaliland oo ahaan jirtay dal madax bannaan oo iskii ula midoobay Soomaaliya 1960kii.

 

Wuxuu bayaamiyay in 1991-kii Somaliland ay dib ula soo noqotay madax banaanideeda, iyada oo Soomaaliya inteeda kale u burburtay dawlad la’aan, fawdo iyo qas.

 

Waxa kale oo uu tilmaamay in Somaliland ay dadku doortaan dawlddooda, islamarkaana ay ku tiirsan tahay dakhliga ka soo gala cashuuraha iyo kastamada halkii ay caawimo ka sugi lahayd beesha caalamka, waxaanay leedahay Baasaaboor iyo lacag u gaar ah.

 

Qoraalkan ayaa lagu yidhi, "Somaliland waxa ay xidhiidh adag la samaysatay dalka Taiwan iyada oo ganafka ku dhufatay Shiinaha oo meel walba u soo maray sidii ay uga bixi lahayd heshiiska Taiwan, halka dalal badan oo Afrikaan ahi ay dhulkooda ku casuumeen ajandayaal ka dhan ah reer galbeedka.”

 

Michael Rubin wuxuu ku nuuxnuxsaday in waligeed aanay jirin waxa la yidhaahdo Soomaaliya mid ah, xidigta cad ee badhtanka kaga taalla calanka Soomaaliyana ay u taagan tahay shanta Soomaliyeed oo aan waligood yeelan hal dawlad.

 

Sidaa darteed, wuxuu ugu baaqay dawladda Maraykanka in aanay Somaliland barbardhigin maamulka Muqdisho ee fashilmay. Iyada oo Soomaaliya oo inta badan ay ka taliso AS.


Loading...
Loading...