Donald Trump oo dib loogu doortay madaxweynaha Mareykanka.

0
Wednesday November 06, 2024 - 15:50:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo dib loogu doortay madaxweynaha Mareykanka.

    Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan



Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.

 

Ayada oo weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa Trump waxaa illaa la saadaaliyey inuu ku guuleysatay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo.

 

Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne.

 

Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan doono gobolka Wisconsin iyo 10-kii ergo cod, taasi oo dhaafsiisay 270-ka ergada codeynta ee uu u baahahn yahay.

 

Donald Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin. Saddexdan gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

 

Dhinaca kale, Jamhuuriyiinta ayaa waxay la wareegeen aqlabiyadda Aqalka 100-ka xubnood ka kooban ee Senate-ka, laakiin weli lama oga xisbiga maamuli doono Aqalka Wakiilada Mareykanka.

 

Trump ayaa guulo sheegtay horraantii Arbacada isagoo u mahadceliyey taageerayaashiisa, isu soo bax ka dhacay Florida.

 

"Tani waxay ahayd dhaq-dhaqaaq aan qofna horay u arag, run ahaantiina, kani wuxuu ahaa, waxaan aaminsanahay, dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee ugu weynaa abid," ayuu yiri Trump.

 

Waxa uu ballan qaaday in uu "hagaajin doono xuduudaheenna" uuna " hagaajin doono wax walba oo dalkeena ka jira."

 

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu u gaarsiin lahaa "Mareykanka inuu noqdo xooggan, ammaan ah oo barwaaqo ah."


Loading...
Loading...