Ciyaaryahanka Sadio Mane Oo Ka Hadlay Kulanka Final-ka Ah Ee Koobka Afrika Oo Ay Senegal Wajahayso Al-Jeeriye

0
Friday July 19, 2019 - 17:21:50 in News by
  • Visits: 1906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahanka Sadio Mane Oo Ka Hadlay Kulanka Final-ka Ah Ee Koobka Afrika Oo Ay Senegal Wajahayso Al-Jeeriye

    Ciyaaryahanka Sadio Mane Oo Ka Hadlay Kulanka Final-ka Ah Ee Koobka Afrika Oo Ay Senegal Wajahayso Al-Jeeriye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka Sadio Mane Oo Ka Hadlay Kulanka Final-ka Ah Ee Koobka Afrika Oo Ay Senegal Wajahayso Al-Jeeriye


Ciyaaryahanka xulka Senegal Sadio Mane ayaa waxaa uu sheegay inuu rajo weyn yahay in xulkiisa ay qaadi karaan Koobka Qaramada Afrika oo ay caawa dheceyso ciyaarta kama dambeysta ah.


Xulka ayaa dadaal ugu jiraa sidii ay u qaadi lahaayeen Koobka Qaramada Afrika markii ugu horreysay oo ay iska hor imaanayaan xulka Algeria.

Image result for sadio mane


Sadio Mane waxaa uu kaalin ka qaatay guushii aheyd in Liverpool ay ku guuleysato ciyaarahaii horyaalka Yurub bishii June, hadda waxaa uu dhaliyay saddex gool tan iyo markii ay bilaawdeen ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika.


"Waxaa la hubaa in aan diyaar u ahay ciyaarta maanta dhaceysa si aan Koobka u qaadno” ayuu yiri Mane oo la hadlayay BBC.


Weeraryahankan xulka Senegal wuxuu sidoo kale yiri "Ma fududo ciyaarta caawa balse waa mid iska caadi ah, waana sida kubadda cagta lagu yaqaanno, Algeria waa xul weyn, hadda waxaa ka dhuursugeynaa ciyaarta kama dambeysta”


Dhanka kale, tabbabaraha xulka Algeria Djamel Belmadi ayaa waxaa uu sheegay inay dagaal u galayaan sidii ay Koobka u hannan lahaayeen.

 

Loading...
Loading...