"Ciddii Illaahey soo Saaro in aynu Taageerno Salaantana Siino Weeye" Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland

0
Wednesday November 06, 2024 - 15:38:43 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ciddii Illaahey soo Saaro in aynu Taageerno Salaantana Siino Weeye" Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland

    Geesta kale waxa uu tilmaamay in bulshada xaq loogu leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesta kale waxa uu tilmaamay in bulshada xaq loogu leeyahay



Taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ciidamada kala duwan ee qaranka ku boorriyay in ay si weyn uga qayb-qaataan ilaalinta doorashooyinka dalka iyo ammaanka guud ee qaranka, isla markaan ay Ciddii Illaahey soo saaro ay taageeraan isla markaana ay salaantana siiyaan.

 

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland , sidoo kale waxa uu sheegay in wixii ciidan ah ee ilaalinta goobaha codaynta iyo midda guud ee difaaca dalka ah ay diyaariyeen, kuna kalsoon yihiin inay hawshaas ka soo dhalaali doonaan, waxa uu intaas ku daray in ay ciidamada ku booriyeen sugida ammaanka dalka.

 

Geesta kale waxa uu tilmaamay in bulshada xaq loogu leeyahay inay codkooda bixiyaan, balse aanay xaq u lahayn xabad iyo dagaal in lageliyo. Waxaanu yidhi."Ciddii ILLAAHEY soo saaro inaynu taageerno, salaantana siino weeye, balse dalka iyo dadku waa inay ammaan ahaadaan, xaq waxa loogu leeyahay bulshadu inay codka bixiso, balse xabad iyo dagaal xaq looguma laha, waxaanu ku boorriney inay ilaaliyaan nabadgelyada waddanka..”

 

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in ay wacyigeliyeen ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qayb-qaadanaya ilaalinta doorashooyinka iyo ammaanka guud ee qaranka waxaanu yidhi "Ciidanka waanu wacyigelinay waxaanu nidhi doorashadani way ka xanaf badan tahay doorashooyinkii hore madaxweyneyaasha ka sekow, sababta oo sh asxaab ayaa ku tartameysa, asxaabtaasi inay is reeb-reebaan ayay jecel yihiin, haddii ay doorashadaasi inoo haggaagto Somaliland meel fiican ayay gaadhaysaa, haddii ay innaga xumaatana wax badan ayaa innaga dhacaaya.

 

ALLE waxaan ka rajeynayna in sida wanaagsan ina waafajiyo, ciidamadu way wacyigeshan yihiin, sidaasi ayaanu ka dhaadhicinay intii aanu gaadhney badankooda”.


Loading...
Loading...