Wafti Uu Hogaaminayo Xoghayaha Gaashaandhiga Xisbiga WADANI Rashiid Cabdilaahi Mucalin Oo Gaadhay Deegaanada Qorilugud, Shangeed iyo Galgal.
Xoghayaha Gaashaandhiga Xisbiga WADANI Rashiid Cabdilaahi Mucalin iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaadhay deegaanada ay Colaaduhu ka soo Cusbanadeen, Qorilugud, Shangeed & Galgal ee gobolka Togdheer halkaasi oo sidiran loogu soo dhaweeyay.
Kormeerkan waxaa sidoo kale ku wehelinyey Odayaal waxgarad iyo Kaadiriinti Xisbiga Wadani, iyagoo socod dheer oo amni xaqiijin ah kusoo maray dhammaan jidahaa colaadu ka taagneed , waxayna Xoghayaha iyo saraakiisha amniga gacanta ku haysa u kuur galeen hannaanka shaqo ee Ciidamada Ammaanku ay waajibaadkooda u gudanayaan.
Dadka shacabka ee intii kormeerku socday ay la kulmeen ayey madaxdu arimaha amniga kala hadleen sidii ay u gudan lahaayeen doorkooda arrimaha Difaaca iyo caqabadaha ay la kulmaan, si loo wanaajiyo xiriirka bulshada degaamadaa ee u diyaargarowdey doorashooyinka madaxtooyada iyo axsaabta siyaasada oo qabsoomi doonto 13, bishan , iyo xoogaga Amniga ee Difaaca kaga jira jiidahaa, waxaana la islaqaatay in qaranku u baahanyahay in lagu badbaadiyo Cod isbedel iyo cudud difaac.