Dimuqraadiyada ma ku dhaqmi karnaa ? Cali Biixi

0
Monday November 04, 2024 - 15:49:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dimuqraadiyada ma ku dhaqmi karnaa ? Cali Biixi

    Sidee bay ula ciyaari doonaan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidee bay ula ciyaari doonaan?


Hadii aad ciyaartoy meel ku xareyso muddo sanad ah oo aad ciyaaraha dunida oo dhan
aad wada daawiso (Brazil-Germany- Itali- Spain- Holland-England) iyo qaar kale oo badan oo ay qeybaan ciyaar kasta iyo xarfadii oo dhan. Oo sy sheekayn karaa oo ay isu qaataan in ay garanayaan .


Oo aad sanad Kabacdi tidhaahdo waxaad la ciyaaraysaan Team-kii Brazil ee dhabta ahaa.

Sidee bay ula ciyaari doonaan?

Wax mayska celin doonaan?

Jawaabtu: waa maya

Ee Brazil sida caruurta oo kale ayay ugu ciyaari doontaa,
20 goal-na way ka dhalin doontaa. Iyo wax ka badanba.

Waayo? Fulintu waxay u baahan tahay ,
tababar fara badan .

Iyaguna wax tababar ah may soo qaadan.

Hadaba dimuqraadiyadu waxay u baahan tahay halgan iyo tababar umadeed oo muddo dheer soo qaata iyo bisayl umadeed oo siyaasadeed iyo wacyi iyo aqoon aad u saraysa .

Maaha magac iyo shicaar iyo mabaaddii aanad u bislayn oo aanad dhaqankeedii lahayn.

Hadaba umadeenu well uma bisla, mana fahansana dimuqraadiyadu waxa ay tahay, dhaqankeediina ma laha .
Dhaqankeenu waa mid diktaatoori ah oo aan ku dhisnayn talo wadaag iyo kala duwanaan ra'yi aan ogolayn weeye .

Dimuqraadiyadu guriga iyo qoyska iyo bulshada dhexdeeda ayay ka soo unkantaa oo ka soo bilaabantaa .

Markaa barasho iyo tababar iyo halgan iyo waayo aragnino iyo baahi loo qabo ayay dimuqraadiyadu u baahan tahay oo lagu gaadhaa.


Cali Maxamed Biixi

CaliBiixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...