Maxay reer Hargeysa qaarkood Afka u taagayaan?

0
Sunday November 03, 2024 - 10:24:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 746
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Maxay reer Hargeysa qaarkood Afka u taagayaan?

    Koox yar ayaa cashuurtii umadda kala qaybsatay, qaarkood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox yar ayaa cashuurtii umadda kala qaybsatay, qaarkood



" Bulshoy adigaa milga leh, ninkii boojimo ku yidhi, Shalaad barataannu nidhi, Bayluulida haw furfurin, bariidana kaama geyo, ninkii ballankaaga qaaday ka baaqday xilkaad u dhiibtay, Ka baydhay ujeedadaada, ku boobay adoo sabool ah, ku wiirsaday baaba'aaga, adoo bogan waayey taada, ninkii u buseelay raaxo, huwaday bulbushii libaaxa, buruudkiyo shaashka qaatay, u booday cirkaa dusheenna, bilkeyday laboontidiisa, buurtuu koray waarin mayso, heddiisana baajin mayso, kub iyo bawduu ka jabi." Hadraawi, EJH .

Wax kaleba ha joogtee, wuxuu inoo balan qaaday Haydaro kaarboon ( carbonhaydarayt ) oo ah cuntada Tamarta iyo dhaqdhaaqa qofka siisa oo ah tan ugu jaban in la beero, hadda innama odhan Borootiin iyo fiitamiin baan idiin beerayaa, tiina wuu ka been sheegay.

Koox yar ayaa cashuurtii umadda kala qaybsatay, qaarkood intay doonaan ayay qaataan, qaarna waa caagla yaal ka mushahar qaata laba iyo saddex wasaaradood ama hay'addood. Waxaa sanad walba la diraa arday, ciidan iyo shaqaale deeq waxbarasho la siiyo, markay soo noqdaanna mid waliba wuxuu iskii ugu shaqo tagaa Dhakhtarnimadii, Injineernimadii iyo Maamulkii la soo baray.

Maamul xumadiisa iyo macangegnimadu waa Yeelkadiisa e, doorashada Soomaalilaan maalinba reer ayaa lagu qarameeyaa, Madaxweynaha maanta waxaa jilibkiisa la qarameeyey ka soo bilaw 1993kii oo Cigaal Madaxweyne noqday illaa 2002dii oo uu geeriyoodey, 2002dii oo Axmed Yuusuf noqday Madaxweyne ku xigeen illaa 2010kii, 2017kii oo Madaxweyne Biixi noqday madaxweyne illaa maanta. Garan maayo waxa reer Hargeysa qaarkood u garawsan la yihiin in maanta ay la mid tahay maalintii xilka lagu wareejiyey Madaxweyne C/raxmaan Axmed Cali oo muddo kooban dalkii ku xoreeyey, Dr C/raxmaan Cirrona wuxuu keeni doonaa midnimo iyo aqoonsiga aynu u jeel qabno.

Bashiir Tarabbi Oogle,

London, England.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...