Faysal Cali Waraabe, 85 jir fidnoole ah.

0
Sunday November 03, 2024 - 10:22:06 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe, 85 jir fidnoole ah.

    Reer Sh. Isxaaqow, waad arkeyseen Garaadadii Dhulbahante

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reer Sh. Isxaaqow, waad arkeyseen Garaadadii Dhulbahante



Faysal Cali Waraabe wuxuu ka shaqeynaya siduu Dab ugu sii shidi lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda aagga Qorulugud.

Faysal, sida Muuse iyo Maxamed Kaahin wuxuu ka shaqeynayaa siduu Somaliland uga ridi lahaa masiibo baajisa doorashooyinka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe geeridiisu waa nabad Somaliland hesho oo taas macnaheedu noqonayo Somaliland oo doorasho u dareerta.

Doorashadii hore ee madaxtooyada, Faysal wuxuu ka helay 4%, maantana wuxuu ogyahay in aanu ka heleyn 1%, sidaas darteed, waa inuu dadka dhex ordaa oo fidno iyo guubaabo la dhex ordaa. Faysal waxaan leenahay, waxaad tahay 85 jir aan cimri u hadhin, Ilaahay ka baq oo aakhiraa dembeysee ku xisaabtan..

Talo ku socota Qof kasta oo ku nool mandaqada:-

Qof kasta oo guubaabo ka gala ama sabab u noqda inuu qof dhinto, dhaawacmo, ama ku hanti beelo fidnadaas socota ha ogaado inuu la mid yahay gacan ku dhiiglaha nafta goynaya oo cidhibtiisu tahay ciqaab iyo Jahanaba. Qofka 80 jirka ah ee fidnada ka talinayow intee cimri kuu Laaban?.

Faysalow 85 sanadood ayaad jirtaa, intee cimri ku hadhay? Ilaahay ka baq oo dadkaas reer miyiga ah ee oonka iyo gaajada u dhamaanaya ha isku dirin adigoo doorasho ka carar ah. Doorasho aad ku dhacdo iyo aakhiradaada kala dooro.

Reer Sh. Isxaaqow, waad arkeyseen Garaadadii Dhulbahante oo idin leh dhiigiinu waa naga xaaraan, magaalooyinkiinu waa naga xaaraan, hantidiinu waa naga xaaraan, duullaan idinkuma soo nihin ee idinku duullaanka joojiya oo oggolaada inaan nabad ku wada noolaano.

Garaadadu waxay sheegeen inaad dagaalka soo bilowdeen oo 3 jiho ka soo weerarteen oy iyagu difaac ahaayeen.

Isaaqow maad garan baaqa Garaadada, waxaadna u qaadateen tamar darro iyo calaacal, laakiin arrintu sidaas ma aha ee waa abhin sharci iyo inay naftooda aakhiro bari yeelaan, tiinana xalaashadaan markaad soo duushaan. Garaadadu waxay rabaan inay ka badbaadaan:- ”ka la dilo iyo ka wax dila, labaduba waa ehlu naar”.

Maanta waxaa loo baahanyey samatalis iyo waayeel mandaqadu ku badbaado.

Culumo ummadda musaalaxo iyo nabad ka dhex dhalisaa ma jirto oo Taas horeba waa loo ogaaye, waxaa loo baaqayaa madax dhaqameedka, ganacsatada iyo siyaasiyiinta fayow inay dhiigaas daadanaya ee dadka walaalaha ah ee ragga aakhiro mooga ahi isku dirayaan joojisaan, waa Muuse, Maxamed Kaahin iyo Faysal Cali Waraabe e.

Allahuma faSh-had.

Naaleeye


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...