'' Xukuumad Midnimo Qaran ''.

0
Friday July 19, 2019 - 13:23:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Xukuumad Midnimo Qaran ''.

    Sanaddii 1966 Wadanka Isreal waxaa soo food saaray afar dhibaato oo culus , kuwaasoo kala ahaa .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanaddii 1966 Wadanka Isreal waxaa soo food saaray afar dhibaato oo culus , kuwaasoo kala ahaa .

1- Wadamadda Carbeed ee kala ah , Masar , Siria ,Jordan iyo Iraq waxay ku dhawaaqeen in ay cagta marinayaan wadanka Israel , Madaxwayne Jamaal C/naasir oo arrintaas ka hadlayaana wuxuu yidhi '' mar dhaw ayaanu soo af-jaraynaa''.


2- Wadamadaas Carbeed waxay dagaal xoogle oo dhinac walba ah ku qaadeen wadanka Yuhuudda , waxaanay si wayn u hirgeliyeen siyaasadii la odhan jirey No ( No Peace , No Recognition , No reconciliation ) .



3- Wadanka Masar wuxuu ka xidhay Israel Marin biyoodka loo yaqaano Tiran oo ah afaafka amaba iridda horre ee Marin biyoodka suways , oo isku xidha Badda Cas iyo Badwaynta Mediterranean sea .


4- Isla sanadkaas 1966 Waddanka Faransiiska oo horre saaxiib dhaw ula ahaa Isreal wuxuu kusoo rogay cuna qabatayn dhinaca hubka ah , waxaanu ku eedeeyey xad gudub ku saabsan xaquuqda aadamaha .

Hadaba si ay Isreal uga gudubto mushaakilkaas , waxay qaaday labba talaabo oo ay ku badbaaday kuwaasoo kala ahaa .


1- 12-Jenuary 1966 , Isreal waxay soo dhistay xukuumad cusub oo wadaag ah , taasoo ay ku jiraan dhamaanba axsaabta wadanku . xukuumadaas oo ka koobnayd 18 wasiir oo isugu jirta , dhamaanba madaxdii axsaabta iyo xisbiyadda , waxaa laggu daray 3 wasiir oo cusub bishii july ee isla sanadkaas , waxaanay sidaa ku noqotay 21 wasiir .


Sababta Waagaas Isreal u samaysay Xukuumadda Midnimada Qaran ee salka-balaadhinana waxay ahayd in Dadka loo mideeyo wajahaadda khataraha ay dareemayaan iiyo culayska ay arkayeen .


2- Talaabadda 2 aad ee Wadankaasi waagaas qaaday waxay ahayd , weerarkii ay kala hormareen Wadamadda Carbeed 05-june 1967 , weerarkaas oo loo bixiyey Dagaalkii lixda cisho , waxaanu dagaalkaasi ka qaaday culaysyo badan Isreal dhinaca siyaasadda , dhaqaalaha iyo amniggaba .


Hadaba Wadanka Somaliland oo laggu soo qaaday weerar balaadhan oo dhaqaale iyo siyaasadeed oo kagga imanaya Wadanka Soomaaliya waxaa la gudboon Madaxwaynaha iyo xisbigiisa talada hayaba , laba qodob , kuwaasoo kala ah .


1- Dhisidda Xukuumad midnimo Qaran , taasoo midaysa shacabka , lana tacaasha duruuraha jirra .


2- Dejinta khariidado siyaasadeed oo lagaga hortago khataraha kasoo kordhaya Mogdisho , kuwaasoo ay tahay in talaabooyin ku haboon lagagala hor marro intii difaacooda la sugu lahaa , maxaa yeelay dawladaha difaacu uma wanaagsana .

Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...