Qorshihii Isku Filnaanshaha Cuntada Ee Xukuumada Somaliland Oo Fashilmay Iyo Gargaar Caalami Ah Oo AY Dalbatay

0
Sunday February 03, 2019 - 15:21:00 in News by Super Admin
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshihii Isku Filnaanshaha Cuntada Ee Xukuumada Somaliland Oo Fashilmay Iyo Gargaar Caalami Ah Oo AY Dalbatay

    Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay in macaluul baahsani ay soo foodsaartay dadka shacabka ah ee ku nool lixda gobol ee waa weyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay in macaluul baahsani ay soo foodsaartay dadka shacabka ah ee ku nool lixda gobol ee waa weyn.
Gudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa soo bandhigay tirada dadka reer somaliland ee qarka u saaran inay soo foodsaarto macaluul.

Gudoomiye Faysal Cali Sheekh oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay  gargaar deg deg ah oo la gaadhsiiyo dadkaasi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Guud ahaan dalka somaliland  sanadkan waxa u baahan mucaawinooyin  dad gaadhaya 1,5 88,  2 50 ( hal milyan, shanboqol iyo sideed iyo sideetan kun laba boqol iyo konton qof)  kuwaas oo iskugu jira xaalado bilaw ah, mid dhexdhexaad ah iyo xaalado degdeg ah kuwaas oo ku nool gobolada somaliland oo dhan.”


Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali Sheekh ayaa baaq u diray hay’addaha caalamiga ah kuwa qaramada midoobay iyo dawlada somaliland waxaanu yidhi "Waxaanu ka codsanaynaa dhamaan hay’addaha caalamiga ah, kuwa qaramada midoobay, dawlada somaliland iyo shacabka somalilandba in wixii ay dadkaas u qaban karaan ay qabtaan, baaqana maanta ayaanu soo saarnay anaga oo u qaybinay hay’addaha caalamiga ah oo dhan, waana wakhti ku tala gal iyo diyaar garaw ah iyada oo meelaha qaar ay ka jiraan biyo la,aan iyo caws la,aan waxaana jira dhulal badan oo laysku guur guurayo kuwaas oo xaga bariga u badan, waxa kale oo jira dhulal badan oo colaaduhu saameeyeen kuwaas oo ay ka mid yihiin Koonfurta Sool, Tukaraq, Ceel Afweyn iyo dhulka xeebaha oo khasaare ka soo gaadhay duufaantii ku dhufatay bishii May ee sanadkii hore.”

Gudoomiye Faysal Cali Sheekh ayaa intaas raaciyey "Waxaanan ugu baaqaynaa xukuumada, hay’addaha caalamiga iyo dadweynaha in la sii wado mucaawinooyinkii hore loo gaadhsiiyey dadka deegaanadaas taas oo waxbadan tartay si aanay ugu gudbin qaybta xaalada culus, waxaanan warbixinadii la wadaagnay hay’adda MFSU iyo kuwa kale ee caalamiga ah anaga oo u jeedinay in wax lala qabto dadka reer somaliland ee jiilaalku saameeyey.”

Baaqa xukuumada somaliland ayaa daaha ka faydaya inuu fashilmay qorshihii ay hore u dhigtay ee la xidhiidhay in marka wasaarada beeruhu ay waxsoosaar samayso isku filaansho laga gaadho dhinaca cuntada.

Sidoo kale dalagii kala duwanaa ee ay beerta wasaarada uu hormoodka u yahay Axmed Muumin Seed taas oo hore u qorshaysay in waxsoo saarka ay samayso sanadka ugu horeeyaa uu horseedo in la bilaabo qorshihii uu wadanku isku filaansho kaga gaadhi lahaa dhinaca cuntada, balse waxa hada muuqata inuu fashil yahay qorshahaas, maadaama oo ay xukuumadu haatan ku dhawaaqday in dad kor u dhaafaya hal milyan iyo badh ay halis ugu jiraan cunto yaraan iyo biyo la,aan.
 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...