DEG DEG Xukuumadda Somaliland ayaa Soomaaliya ku Eedaysay in ay ku lug leedahay Dagaalka ka soo cusboonaaday Deegaanka Shangeed.

0
Friday November 01, 2024 - 16:57:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Xukuumadda Somaliland ayaa Soomaaliya ku Eedaysay in ay ku lug leedahay Dagaalka ka soo cusboonaaday Deegaanka Shangeed.

    Dagaalkan ayaa ah mid ay soo abaabushay kana soo shaqaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalkan ayaa ah mid ay soo abaabushay kana soo shaqaysay


kooxaha Huwanta iyo argagixisada bari Magaalada Laascaanood ayaa weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Qorilugud maalintii khamiista iyagoo dadka degaanka iyo Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somalilandna kala kulmay dhirbaaxo kulul iyo khasaare baaxadleh oo soo gaadhay Kooxaha huwanta ah.


Maanta ayay mar labaad soo qaadeen weerar kale degaanka Shan Geed ee u dheexaya magaalooyinka Qorilugud iyo Buuhoodle, sidii shalay si la mid ah ayay la kulmeen jab iyo khasaare ka wayn kii shalay soo gaadhay kooxaha huwanta iyo argagixisada is-garabsanaya.

Dagaalkan ayaa ah mid ay soo abaabushay kana soo shaqaysay Dawladda ka dhisan Muqdisho, iyada oo ku doonaysa in lagu dhaawoco hanaanka Dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin, waana dagaal uu ka danbeeyo Xasan Sheikh Maxamuud oo ka xun guulaha iyo horuumarka ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladoodu ku tallaabsadeen.
Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin difaaca Qarannimada iyo in ay cadowkasta oo isku daya in ay is hortaagaan horuumarka iyo doorashooyinka in ay gaadhsiiyaan jab aanay mahadin doonin.
Waxaanu marlabaad u caddaynaynaa beesha calaamka in dagaalka ka socda Degaanka Buuhoodle uu ka danbeeyo Madaxweynaha Maamulka Muqdisho, isagoo ku doonaya in uu isku hortaago ama carqaladeeyo Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka socda oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin.
Loading...
Loading...