Daayinow Allahayow Daalay Sidii Roon,Dibuun Ha Noogu Celin Xamar.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Doorashadan Dalkeeney,Dawlada Xamar Danaynayso,
Durbaankana U Tumaysan,Haddaan Laga Digtoonaan,
Duugeedaynu Sugaynaayo,Dibaana Looga Sheekayn,
Demanoow Dakaygow,Dalaqa Waxaad Tidhaahdaaan,
Dabinadan Laguu Dhigayo,Digtoonaan Adoo Qabay,
Doqontuu Dabkeed Ba’yo,Demenaata Xuunsho Leh,
Dunidan Ay Ku Nooshay,Dilkeeduun Bay U Joogtaa,
Dadkaygana Tabtaasoo,Derderano La Wada Falay,
Durba Way Ilobeen,Dakharadiyo Diiftii,Daratun Aha,
Doorkana Inoo Hadhayo,Waana Kama Danbaysteena,
Kala Doorta Laba Daran,Dagaalkeenan Gudahoo,
Dibna Loo Heshiin Karo,Ama Xamar Dib Ugu Noqo.
Ismail Abdillaahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!