Mee faralaabkaagii?

0
Wednesday October 30, 2024 - 08:16:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mee faralaabkaagii?

    Waan soo socday. Waan usoo dhawaaday. Waan soo gaadhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan soo socday. Waan usoo dhawaaday. Waan soo gaadhay


Nin baa waxaa uu yidhi: Aniga oo yar baa la igu yidhi, Adeerkaa caannahaa u gee. Ammintu waa fiidcawl. Reerku waa Miyi.

Adeerkey, waxaa uu ii jiraa in cabbaar ah. Caanihii oo caaggad yar ku jira, ayaa dagta saartay. Waan la dhaqaaqay. Waxoogaa baa socday. Markii aan ku dhawaadday adeerkey, ee aan sheedda iska aragno, ayaa uu fadhigii ka kacay. Sidaas ayaa wuu isoo eegay; anna waan fiirinayaa.


Adeerkey, waa nin xoog badan oo dheer. Waa nin ad-addag oo qallafsan. Sida aan u soo socday, ayaa aad ugu soo dhawaaday. Sidii buu isoo eegayaa. "talow sidaas oo dhan , muxuu iiga eegayaa?", ayaa aan isweydiiyay.

Waan soo socday. Waan usoo dhawaaday. Waan soo gaadhay. Marka aan hortiisaa sidaa usoo horjoogsadag, ayaa isaga oo aan ilahadal, ayaa uu bahal dhirbaaxo ah dheg iyo dhaban i fujiyay, WAC! Qoorta, ayaa i qaloocatay oo dhulka ayaa galigaadhay, ileen dhirbaaxo geeljire weeyaane. Labada indhood ayaa biyo kululi, iga Soo boodeen, dhabankeygana waxaa ku sawirran dhirbaaxadii oo farba meel i taal.
Xanuunkii ayaa gacanteyda dhabanka saaray, kaddib, ayaa isaga oo kor u hadlaya igu yidhi: WAAR MEE BUDKAAGII? "

" Gu... gu.. gu...guriga ayaa kaga imid", ayaa ugu warceliyay, aniga oo beerka ka oynaya!
Geed weyn oo agtiisa ah, inta uu bud yar oo gaaban kasoo saaray, ayaa uu yidhi: kaa qaado oo ilaasho oo yaanan ku arkin , adiga oo faramadhan maalin dambe!
"Haye, Adeer", ayaa ku idhi.

Maalintaa waxii ka dambeeyay layma arag aniga oo faramadhan.
Hadda oo aan 50 gu'i jiro , waan sitaa uun ushayda. Habeenkii meel kasta waan maraa Hargeysa. Kuwa yaryar ee la yidhaahdo, wax bay baadhaan, anigu waan iska dhex maraa uun; iyaguna sidaas uun bay isoo eegaan; markey arkaan in aan bud weynahay, ilama hadlaanba.

Habeen, habeennada ka mid ah, ayaa qaar meel madow fadhiya dhaafay. Laba nin oo iga dambeeyay bay qabteen! Iyaga oo aan wali wax ka qaadin, ayaa kusoo laabtay oo aan kaga riday! Wey kala yaaceen, inta ay siidaayeen. Labadii ninna, waannu isasoo raacnnay.

Haddaba, faralaabku waa sunne, dhallinyarada iyo qof kastaba, waxaa aan kulataliyaa in uu ogaado faralaabka. Dhaqankeennii wanaagsanaa ee Soomaaliduna, waa dhiirrigaligaa faralaabka.
Dhallinyarooy, faramadhnaan inaad socotaan iska ilaaliya, ileen xayawaan yar oo kusoo weerarayna "jut" baa la isaga yidhaahdaaye, marka aad wax gacantaada ku jiraan( faralaab)

FIIRO GAAR AH: sheekadan yar, waxaa nooga sheekeeyay aniga iyo asxaab kale, nin aan ugu soo galnay goob shaaha lagu cabbo; waxaa aannu ahaa nin bashaash ah oo aftahan ah.
W/Q: Maxammad Haybe Axmed.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...