Curadkii Afweyniyo, Canjeex Ciidamadu Haystay, Oon Cadaalad La Hor Keeninba, Nabad Ku Ceeshaaya.
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-CAAWADUU XASUUQII KA DHACAY,CIDHIFKAN XEEBTOODA,
CAADILKA BADBAADSHE,MARKU CUMAR KA SOO DHUNTAY,
CURADKII AFWEYNIYO,CANJEEX CIIDAMADU HAYSTAY,
OON CADAALAD LA HOR KEENINBA,NABAD KU CEESHAYA.
2-CARUURTII AGOOMOOWDAYBAA,CAAWA GAAMURAYE,
CADHADA AY QABAAN WUU OGYE,WAA CAWAAN KANI,
CAQLI XUMADU WAA CAADADOOD,KOLAY CASHEEYAN,
CAWDOOD U GOYSAA HABOONE,AAMIN CUDUDAADA.
3-CISI BAYNU JOOGNAA INTAAN,LEENAY CALAN GAAR AH,
CAARE IYO COLAAD CEELAFWEN,CADAWGI GUUL MOODE,
CALOOL NUGULIDAA MAYNAGAA,CIIRSI GACALOOWNA,
CIRKA IYO DHULKAAN KALA JIRNAA,LIQA CANDHUUFTIINA.
4-CARSHIGA IYO DHULKAA LAGA AQBALAY,CALANKA TAWXIIDLEH,
CODKAYAGII FOGAAYO DUNIDAN,WAAN KU CAAN BAXAYE,
GUDI CUGATAYA IYO,ADIGU CIIL U DHIMATAABA,
CITIRAFKI WAAN HAYSANA,ISAGOO CEEBNA KUGU REEBAY.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!