Tallooyin qoraal oo ka yimid qorayaal caan ah

0
Monday October 28, 2024 - 08:04:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallooyin qoraal oo ka yimid qorayaal caan ah

    Wax kasta oo kugu adag , haddii aad niddar ku gasho in aad qabato,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax kasta oo kugu adag , haddii aad niddar ku gasho in aad qabato,



Wali ma isweydiisay, waxyaabaha ay ka yidhaahdeen maskaxihii ugu weynaa fanka qoraalka?

Qorayaashani waa kuwo leh waaya-aragnimo qoraal. Waxaa jirto sababo badan oo ka dambeeya in ay guuleystaan. Hal-ku-dhigyadoodu waxaa ay ku qotomaan aqoon iyo xikmad.

Waxa ay ku siinayaan tallooyin wax-ku-oola; waana kuwo kala duwan, haddii ay doonaana iska hor imanaya. Taasina waxaa ay caddayn u tahay in uuna jirin hab gaar ah iyo waddo gooniya oo wax loo qoraa. Qoraa kastaaba, waxaa uu ka istaagayaa dhanka la toosnaata ee uu khabiirka ku yahay.

 

Barashada hal-ku-dhigada qorayaasha waaya-aragga ihi, waxaa ay inna dhaxalsiinaysaa farsamooyinka qoraal ee u shaqeeyay qoraayaddaas. Haddaba, ka qaado tallooyinkaa midka kaa anfacda ee kugu habboon, ee aad istidhaahdo malaha adiga ayay kaa hadlaysaa! Intaa wax ka badan waxba ha sii sugine, waa kuwan ee si degan u akhriso:

 

1. "Show up, show up, show up, and after while a muse show up too."

Isabelle Allende

 

" Ismuuji, ismuuji, ismuuji hadhowna deddaalku waa ismuujiniye". Isabelle Allende

 

Hal-ku-dhigani waa mid run badan, waana talo muhiim ah. Waxa ay noo sheegaysaa hawl kasta in ay innaga xigto ku dhaqaaqiddu. Keliya qor, xitaa haddii aannad u hayn wax niyad ah.

Waxa ay leedahay, haddii aad deddaal galisid qoraalkaaga, adiga oo aan dareemayn wax niyadgalin ama dhaqaajiye ah, marka dambe waxaa hubaal ah in ay iman doonto niyadgelintuna.

Kumalaha uma baahnid dhiirigelin, niyadgelin iyo dhaqaajiye, si aad wax u qorto, balse waxaa ay ku leedahay, mararka qaar waxaa aad u baahan tahay in wax qorto, si aad u dhiirrato! Waxaa aan u malaynayaa in ayna taa wax ka run badani aannu jirin.

 

Waa inaad deddaalkaaga hawlgalisaa, oo naftaada ku qasabtaa inay waxqorto, qoraalkaaga ayaa deddaalkii dib kuugu soo celin doona: niyad iyo shidaal aad ku dhaqaaqdo oo inta hawsha kuu hadhayna ku dhammaystirto.

Wax kasta oo kugu adag , haddii aad niddar ku gasho in aad qabato, adiga oo aan xitaa jeclayn, kadib cabbaar waxaa aad arki doontaa, adiga oo xiiso iyo xamaasad u haya hawshii ; deddaalkii dib ayaa kuugu soo noqonayaa oo ku hawlgalinayaa, wuuna kuu midhadhalayaa.

Adigu ismuuji, marka dambe, deddaalkaaguna wuu ismuujin doonaaye.

 

2. " Ilaali waqtiga iyo meel banaan oo aad wax ku qorto. Ka fogee cid kasta, xitaa dadkii kuugu muhiimsanaa ha noqdaane". Zadie Smith.

 

Hal-ku-dhigani waa mid fudud oo la fahmi karo. In kasta oo aynu ku guuldarreysanno in hirgellino. Ma ilaalinno waqtiga. Qoridda uma samayno goob gaar ah iyo ammin u goonniya.

Waxa aynu wax qornaa TV-ga oo halkaas ka shidan; dhowr hawlood inta iskudhexfurno , ayaa qoraalkana dhan ka wadnaa. Taasi maaha wax innaga soconaya!

Qoraalka waa inaad u samaysaa ammin isaga u khaas ah. Waa inaad qoraalkaaga u aragtid mid xurmad leh oo ahmiyad weyn leh. Ammintaa aad u qoondeysay waa inaad wax kale qaban.

 

Qoraayaddu waxa ay ku kala dheereeyaan, waa sida ay waqtiga ugu kala huraan qoraalka.

Marka ay gaadho xilligii aad wax qoreysay, waa inaad wax kasta oo dhan faraha ka qaadaa, qalinka mooyaane. Waa inaad wax kasta oo ku mashquulinaya meesha ka saartaa. Wax walba waa inaad maya tidhaahdaa . Waxaa aad galaysaa xaaladda: "la ima heli karo". Moobaylka waa inaad ku tuurtaa aammusiin( silent) dadka kuugu muhiimsan, haddii ay ku rabaan kuma heli karayaan. Marka dambena, dadku wey kula qabsanayaan oo fahmayaan in xilligii aad waxqori jirtay ay tahay.

Haddaba, marka aad qoraalka u samayso ammin gaar ah kuna ilaaliso, waxaa aad noqonaysaa qoraa wax badan qora. Mid ku raaxaysta hawsha uu hayo. Haddii aad dhigane qoreysayna, waxaa noqoneysaa mid hore u dhammeeya.

 

Ugu dambeyntii, waa inaad yeelataa xilli go'an oo aad wax qorto 10 daqiiqana ha ahaato maalintiiye. Taasi, waxaa ay kaa dhigi doontaa in caado qoraal yeellato.

Ilaasho waqtigaaga( protect your time)

Akhriste , ma leedahay ammin gaar ah oo aad wax qorto?

 

3. " Don't tell me the moon is shining; show me the glint of light on broken glass."

Anton Chekhov

"Ha ii sheegin dayaxu in uu ifayaayo; i tus dhalaalka iftiinka muraayadda jaban."Anton Chekhov

 

Hal-ku-dhigani waa mid caan ah. Waa tallo muhiim ah. Waa tusaalaha ugu wacan, marka laga hadlayo qaacidadii qoraalka ee ahayd: ha sheegin ee tus ( show don't tell)

Waxaa uu inoo caddanayaa waxa uu macnaheeddu tahay, ha sheegine tus. Waxa aynu ka fahmaynaa sheegiddu( show) sida ay u wanaajinayso tayadda muuqaalka sheekadda lagu soo tabbiyo; sida faahfaahin yari ay ugu dari karto xiiso iyo mug weyn ugu yeeli karto qoraalka ama sheekada.

Hal-ku-dhigani waxa aynu ka baran karnaa: tusiddu( show) ay tahay muujin halka ,sheegiddu ( telling) keliya tahay sheegid.

Tilmaantu waxaa ay ka kooban tahay sheegid iyo tusid. Qorayaashu waxa ay badi adeegsadaan sheegidda, balse waxaa dhab ah in qoraalku u baahan yahay labadaba.

 

Hadalka gobo'diisu waa inaad labada tilmaamoodba adeegsataa, waliba sida ugu habboon; qoraalkaaga oo dhan ha ka dhigin wada tusid oo keliya, oo meel sheegid yar kaaga baahan oo akhristuhu fahmi karo, ha ka wada dhigin tusid.

 

4. " Haddii uu jiro buug aad rabto inaad akhrido, laakiinse aan wali la qorin, waa inaad adigu qortaa". Toni Morrison.

 

Hal-ku-dhigani waa mid cajiib ah, waana mid dhab ah, marka aad si maangal ah u eegtid. Maxaa yeelay, waxaa aan qabaa in buugani noqon doono ka aad ugu jeceshahay. Waa dhiganaha aad jeclaan lahayd in aad akhrido. Waa ka jeclaan lahayd in dunidda joogi lahaa.

Weydii naftaada: waa kee buugga ugu fiican ee aan jeclaan lahaa in aan akhriyo?

Marka ay kuu sheegto warcelinta, ku dhaqaaq oo qor buuggaa! Waxa ay u badan tahay inaad jeclaan doonto . Hubaal waxaa ah in jaceyl weyn u qaadi doonto, maxaa yeelay, waa ka aad rajaynaysay mar uun inaad akhrido; waa ka aad naawilayaay in mar uun indhaha saarto. Waa buugga aad rabtay in dunidda keento.

 

Waxaa kale oo laga sii fahmayaa, intii fikir aad ay haysay oo rabtay inaad buug ka dhigto kugu dhex guban lahaa, waa inaad ku dhaqaaqdaa oo aad adigu qortaa.

Isku soo wada xooriyoo, qorayaashan waa kuwo hal-ku-dhigyadoodu meelmareen, waa kuwo inna siiyay tallooyin aad u wanaagsan. Waxa ay garanayaan waxa ay ka hadlayaan!

 

W/Q: Qoraa Maxammad Haybe Axmed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...