XEERKA 1AAD: Waligaa Maamulahaaga Ha U Muujinin In Aad Ka Roontahay
Waligaa nafsadaada ha ugu sheekeynin in ay nolosha adduunka wax iska beddeleen, oo la soo dhaafay xilligii Louis-kii 14aad iyo Medici, cid alla cidii hesha wax ka mid ah maamulka adduunka, kama dhib yara boqorradii hore, waxa ay dhammaantood ka mideysan yihiin dareenka ah in loo daayo meeqaamkooda, dareenka ah in ay dadka oo dhan ka sareeyaan, dhanka caqliga, dhagarta, soo jidashada hagardaamada, iwm.
Madaxda waxa ay kugu sameyn karayaan wixii uu Louis sameeyay, wax sabab ahna uma heli doonno mansabka uu kaa qaadayo oo aan ka aheyn inuu ka takhalluso handadaada aad ku heysid meeqaankiisa.
Casharku waa sahlan yahay: Haddii aadan xakameyn ka muujinta muuqaalkaaga soo jiidashadaada leh iyo baro sida loogga fogaado dugaagan nafta daciifka ah leh Cesare Borgia, ama soo hel xeeladdii aad ku xakameyn lahey tayadaada wanaagsan marka aad la joogtid iyaga.
Had iyo jeer xasuusnoow: xilkaagu kuuma waari doonno wax kasta co aad qabato, hana u oggolaan in farxaddaada tallaabada aad gaarto ay ku maamusho oo ay kaa dhigto mid isla weyn. Ogaanshaha khatarta ay leedahay in aad qümahaaga tusto madaxdaada ayaa awood kuu siinaysa in aad xeerkan u isticmaasho faa'iidadaada. Marka hore waa in aad sasabato oo aad amaanta ka badiso madaxdaada, sasabashada madaxda waad ku faalideysaa, laakiin waxay leedahay xad, waa mid toos ah oo qallafsan, waxayna kharribaysaa xiriirka aad la leedahay kuwa aad isku filka tihiin. Tusaale ahaan, haddii aad ka caqli badan tahay madaxdaada, ka dhig kuwo adiga kaa caqli badan, ula dhaqan si doqonnimo ah, oo dareensii in aad u baahan tahay khibraddiisa. Samee wax yaabo khaladaad ah oo doqonnimo ah, taasoo aan wax yeello kuu geysaneynin muddo badan, weydiiso inuu kaa caawiyo, madaxdu aad bey u jecelyihiin codsiyada noocaan oo kale ah, taliyihii aan ku siineýnin khibrad, ogow wuxuu beddelkeed ku siin doonnaa cuqdad iyo xumaan.
Haddii fikradahaagu ay yihiin kuwa ka taya badan afkaarta maamulahaaga, waxaa kuu habboon in aad isaga u aaneyso, oo dadka oo dhanna ka hor caddey in hal-abuurkaaga isaga taladiisa uu ku yimid.
Haddiise aad aragto in maamulahaagu ku adagyahay booskiisa, laakinse aad ka mudnaan lahayd talada, ha degdegin oo samirka badi, ilaa fursadda ugu habboon ay kaaga timaado, dabeecada koonka ayaa ah in awood kasta inay dhammaad leedahay, ugu dambeyntiina wuu dhici doonnaa maamulahaaga, oo haddii aad u rabto ciyaarta in aad si hufan u gasho, waad sii jiri doontaa dabadiis, maalin uun baadna ka sareyn doontaa oo u qalmi doontaa heerkiisa.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!