Doorashado Il Lagu Galo,Dagaala Ka Dhacay Badan,Dunida Meelo Lagu Deyay,Drc Ivory Ha U Danbeeyaane,
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Doorashadan Dalkeene,Doonayaan In Lagu Galo,
Dadku Wax Aanay Garanayn,Indhaho La Daawado.
2-Doonahayn Dadweynu,Dawladuna Ku Adagtahay,
Ururada Badh Diideen,Xisbiyadu Ka Didayaanoy.
3-Diidnay Ay Ka Baqayan,Doorashado Dib Loo Dhigo,
Duuduub Ha Lagu Liqo,Midhaa Daray Adoon Dayin.
4-Dirqi Baad Ku Gaadheene,Inay Doorkan Sugantee,
Hungobimayso Daacadi,Ku Dadaala Nabadeenan.
5-Dimuqraadinimadeena,Dunidu Way Sugaysaaye,
Dirqibay Ku Dihataye,Doorashadan Ku Dhiirada.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!