Sir culus

0
Sunday October 20, 2024 - 16:11:54 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sir culus

    Haddaba ninkan maxaan ku arkay oo aanan ka filanayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba ninkan maxaan ku arkay oo aanan ka filanayn


No description available.


Aniga oo ah muwaadin u dhashay Dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago sir wayn oo aan ka helay ninka sheikh nimada ku gabada ee sawirkaas leh. Ninkaas waxaa la yidhaahdaa Shiikh Cabdiraxmaan.

Waxa uu joogaa Dalka Maraykanka gaar ahaan Minneapolis, MN. Ninkaasu wuxuu imam ka yahay masaajid ku yaal isla magaalada Minneapolis oo loo yaqaan Abu bakar. Ninkaasu wuxuu ka mid ahaan jiray saraakiishii u shaqayn jiray afwayne.

Ninkaas qabiilkiisu waa reer awxasan oo ah reeraha laga tiro badan yahay ama 0.5 ka waxa loo yaqaan. Ninkanu wuxuu leeyahay dhawr xaas. Xaaskii ugu danbeeyay Hargeysa ayuu kasoo guursaday oo wuxuu tagaa Hargeysa iyo Somaliland.

Haddaba ninkan maxaan ku arkay oo aanan ka filanayn. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan lacag ka dirayay Dahabshiil. Waxay sheekaysanayeen nin kasoo jeeda daarood. Waxaan sheekadooda ka qabtay ninkanu waxa uu ka aaminsanyahay Dalkeena Somaliland. Waxaana dhex martay labada nin sheeko gaaban. Waxaanay is waydaarsadeen erayadan:

Ninka Daarood: "Shiikhoow Iddoorkii sidii loogu jabiyay laascaanood waxba islama hayaan….”

Sheikh Cabdiraxmaan: "hadda cir iyo dhul ba waa laga xidhay oo sheekadoodu masii socon doonto….”

 

Haddaba maxaa la gudboon dadkeena iyo dalkeena. Waxaan usoo jeedinayaa ciidamada iyo dawladdeenu inay ninkaas shaydaanka ah ee shiikhnimada inoogu soo gabbanaya fiiro gaar ah loo yeesho.

Waa cadaw raba inuu guur iyo xididnimo inagu soo galo isagoo ina neceb. Ninkan waxay ilmaadeer yihiin Fahad Yaasiin iyo Sahan Tv ninka leh ee Somaliland lagu xidhay isagoo basaasaya. Dadkeena waxaan usoo jeedin lahaa halayska hubsado cadawga aynu la xididayno.

Runtii waa wax laga naxo nin sheikh sheeganaya oo haddana nacayb iyo xiqdi iyo xasadnimo buuxisay. Waxaana mudan in tallaabo deg deg ah laga qaado.

 

Dawladdu waa inay indho qudhaanjo u yeelataa cadawga is qarinaya ee haddana aadka inoo neceb. Kaligiis na ma aha ee dad badan ayaa jira oo Dalkeena jooga ama degan oo laba wajiilayaal ah. Dadka noocaas ahi siro ayay raadinayaan iyo hagardaamada Dalkeena Somaliland.

Gabogabadii, haddii aynaan tallaabo ka qaadin ninkaas oo aan baadhid lagu samayn meel fog ayaa laga dooni doonaa. Dalkastaaba wuu ilaashadaa dadkiisa, danihiisa, iyo dalkiisaba

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...