DEG DEG Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Somaliland

0
Saturday October 19, 2024 - 11:21:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Somaliland

    Waxay Wasaaraddu ku adkaynaysaa shacabka S/land, madaxda...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay Wasaaraddu ku adkaynaysaa shacabka S/land, madaxda...


May be an image of 1 person


Waxaa maanta inoo bilaamay Ololaha Doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururada Siyaasadda,taasoo ay shaaciyeen Guddida Doorashooyinka S/land. Hadaba waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha S/land oo masuul ka ah guud ahaan amniga gudaha Dalka ay faraysaa shacabka S/land in ay ilaaliyaan nabadgelyada, si buuxdana ula shaqeeyaan Ciidamada sugaya amnig, gaar ahaana Ciidamada Booliska oo ah kuwa haya shaqada ugu muhiimsan waqtigan ololaha.

Waxay Wasaaraddu ku adkaynaysaa shacabka S/land, madaxda asxaabta in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska oo ah kuwo markasta u taagan ilaalinta Nabadgalyada, waxaa waajib ah in shacabka S/land fiiro dheer u yeeshaan shirqoolada cadawga Somaliland maleegayaan ee ka dhanka ah Qarannimada S/land, Dumuqraadiyada iyo jiritaankoodaba.

Wixii khatar amni ah ee aad aragto la soo wadaag Muwaadin Xafiiska Heeganka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL: 9119. " Xafiiska Warbaahinta ee Wasaarada Arrimaha gudaha.

Loading...
Loading...