Naf Baxaysa Faataxo Lagu Akhriyaa kuma Joog-sato ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday October 19, 2024 - 09:01:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naf Baxaysa Faataxo Lagu Akhriyaa kuma Joog-sato ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Caqli Xumaani Waa Ciil Weheso Abidkaa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Caqli Xumaani Waa Ciil Weheso Abidkaa!
No description available.


Hore baa loo yidhi " Naf ajasheeddii dhamaatay Faataxo laguma joojiyo" Waxa akhristaw cayn-kaas ka dhigan askariga ka shimbiro waaqleeya " Xaafad-tooyadda" Hargeysa oo uu siduhu ugu go'ay bankii-Giriyaad dhex-doisa, oo caynkii iyo bayddii uu rarka ku xejisan lahaana ka kala go'een, geeri-go'an cidla ah, ayuu ciduu garab-sadiyo gacalkii ka tegay gabal ugu dhacay, haduu siddii Gorayo law-jaban dhan uu u dhaqaaqo garan la'yahay, siddii shini kaaluf galay isku meeraysa-nayaa, wuxu qaadaayaa heestii ahayd " bad baa igu gaaf wareegsan, oo mawjado gurxamaan dhex galay, cirkaan gabal ka arkayaaye, ilayn geed la cuska-daana, ilayn wax garaaba-yaana" horaa-se loo yidhi " Caqli xumaani waa ciil wehesho abidkaa" Askariggii " Raggii ma adigaa ka hadhay" kooxddii digsi-xagato iyo jin-digaagay ee sacabka u tumi jirtey ee sii daba fadjiday,maanta bay tallo ku cadaatay, oo meel ay ka baxaan la'yihiin.

Muwaadin, somalidda baan ka maqali jirey markaan yaraa " Qof-kaas hebel malaa'iigtii baa ka dareertay" oo micna-heedu yahay, naftii baa ka sii gurmaysa, oo malaa'iigtu wax-ba ka qori-mayso" ujeedadda waxa weeye wax-ba uma hadhin ee wuu ku daayey, Sidoo kale waa waxa uu cinwaanku sheegaayo oo waa mayd socdda, markaa maxaa laga xisaabin, kani si xun buu baxaya, quraan iyo qardhaas loo dhigaa iyo lacagta uu soo daabacdaa mid-koodna ma sabato-bixinaayo wakhtigan uu ku jiro, ee caleen-tiisii way cadaatay. Waxa la yidhi " karka dheriga waxa ka keenay kulayka'e" Haduu Cabaad iyo oohin, wadhadhac soo rogay, oo ximbadu qawlaladda ka qubanaysaa siddii awr gulaan ah, wuxu kolba dib u soo cantabo ceshanayaa wixii beri hore laga heshiis, ee ku leh ciidan baa la laayey, ka hadli maayo dadkuu ku dilay mudaaharadka, xasuuqii Laas-caanood iyo ciidankuu jebiyey, saw wax lala yaabo maaha?

Odhaah baa waxay ahayd " Jarmalaw mari-maayo" kani iyadoon meel kale looga iman, buu isaggii " Isku Mucaarid Yahay" Waa kaas kolba albaab madhan garaacaaye, ee xaal-kiisu noqday " Ka dar oo dib dhal" Waxan oo dhan wuxu u samaynayaa, markii ay is wadda casileen Wasiiraddii, Agaasima-yaashii, Maareeya-yaashii, Xildhi-baanaddii deegaanku, wakiiladu, guurtidu ee dalku siduu u dhan yahay. Kaaga sii darane daran-doori bay u karbaasha-yaan bahsdii suugaantu, haddii ay yihiin abwaanaddii iyo fanaaniintii, geed uu ku gabadaa ma jiro, ee waa xabaashiisa ha loo dareero. Inta weli ku xeeranina ee beel walba lihi waa kuwii maxaanu cunaa iyo awr-kiraalashii uu ku adeegan jirey, sidaas awgeed waa kii laga maah-maahay ee la yidhi " Hal diidaysaa geed ay ku xogoto ma waydo" askariga-nina sidoo kale kolba wax aan ka soconayn ha isku qaadee daaya waa waaliddii ugu dambaysaye.

* N.B Caqli Xumaani Waa Ciil Weheso Abidkaa!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...