Faa'iido nuucee ah ayuu Itoobiya u leeyahay qorshaha cusub ee wadaagga biyaha Niil ka?

0
Thursday October 17, 2024 - 13:21:55 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faa'iido nuucee ah ayuu Itoobiya u leeyahay qorshaha cusub ee wadaagga biyaha Niil ka?

    Waxa kale oo uu xusay in Masar iyo Suudaan oo loo yaqaanno...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kale oo uu xusay in Masar iyo Suudaan oo loo yaqaanno...

.


Dhawaan waxaa soo gaban gaboobay heshiis dhexmaray wadamada Niil ka, kaas oo ugu dambayn la baahiyay in uu dhaqan galay galay inkastoo si xooggan ay uga soo horjeedaan dalalka Masar iyo Suudaan.

 

Balse dowladda Itoobiya ayaa waxay u aragtaa heshiiskaani si guud faa’iido uguleeyahay dalalka, iyaguna si gooni ah uga faa’iidayaan.

 

Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Itoobiya, Habtamu ayaa waxa uu sheegay in ujeeddada ugu weyn ee qaab-dhismeedkani ay tahay in la beddelo "qaab isticmaalkii hore ee webiga Niil ee ahaa mid aan loo sinayan". Wasiirka oo faahfaahinaya faa’iidada heshiiskan uu leeyahay ayaa waxa uu yiri, "Waxa loo baahan yahay in la sameeyo kadibna la dhowro xeer ilaalinaya in si caddaalad ah oo loo siman yahay loo isticmaalo biyaha.

 

Waxa kale oo uu xusay in Masar iyo Suudaan oo loo yaqaanno dalalka hoose ee webiga Niil, ay beddeleen "nidaamkii maquuniska ahaa” oo ka dhigay isticmaalka kheyraadka biyaha Niil mid aan si caddaalad ah oo siman looga faa’iidaysan.

 

Lem Ahmed, oo ah la taliyaha dhanka horumarinta kheyraadka biyaha, webiyada xudduudaha isaga gudba iyo diblomaasiyadda biyaha itoobaya, ayaa waxa uu yiri; Waxa ay isku raaceen wadamadu in heshiiskan cusub uu meesha ka saarayo saameynta uu biyaha ku yeelan karo heshiiskii goonida ahaa ee Masar iyo Sudan ee webiga Niil, kaasoo ahaa mid u gaar ah iyaga.

Habtum


 

Sida uu sheegay Ato Lemq, heshiisyada labada dal waxaa loo yaqaan "gumeysigii iyo gumeysigii kadib” xaalka webiga Niil. Heshiiskii ugu horeeyay ee la kala saxiixday 1929 kii wuxuu ahaa Masar iyo Ingiriiska oo ahaa maamulkii gumeysiga ee Suudaan.

 

Sida ku cad heshiiskan, 48 bilyan cubic mitir oo biyo ah oo ka imanaya webiga Niil ayaa loo qoondayn doonaa Masar. Halka Suudaan ay go’aansatay inay hesho 4 bilyan oo mitir kuyuubik oo biya ah.

 

Xornimada Suudaan ka dib, labada dal waxay dib u eegis ku sameeyeen heshiiska sanadkii 1959-kii si ay u kordhiyaan saamigooda biyaha. Sida ku cad heshiiskan waqtigii gumeysiga ka dib, saamiga Masar ee biyaha webiga Niil wuxuu gaaray 55.5 bilyan cubic mitir. Saamiga Suudaan ayaa sidoo kale kor u kacay ilaa 18.5 bilyan cubic mitir.

 

Heshiisyadan, Ato Lemk waxa uu ku dooday in uu "Biyaha Niilka oo dhan siiyey labada dal" wadamadii kale oo dhanna uu ka dhigay daawadayaal uun.

 

Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya Habtamu ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya aanay aqbalin heshiisyadaas, balse "Bulshada Caalamku ay aqoonsatay, sababo la xiriiraycadaadis jiray dartiis”. Habtamamu, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, waxa uu xusay in Itoobiya oo boqolkiiba 85 auy ka yimaadaan biyaha webiga Niil ay caqabad weyn kala kulantay heshiiskaas oo aanay aqbalin markii horeba.

Nile Basin Initiative

 

Habtamu ayaa hadalkiisa sii raaciyay, "Heshiiska hadda jira waa heshiis guud iyo sharci guud oo ay wadamadu ku heshiiyaan, sidaas darteed, waxaanu aaminsanahay in haddii saaxiibadayada ay arki jireen sharci ilaalinaya danaha labada dal oo kaliya, inay hadda arki doonaan dukumeenti loo diyaariyay ilaalinta [xuquuqda] ugu yaraan lix waddan, oo aan waxba u dhimayn [danaha] kuwa kale.

 

La-taliyaha Lemke ayaa yiri: "Hadda wixii ka dambeeya, waxaa jiri doona laba heshiis oo la tixraaco. Midi waa mid ay ka wada xaajoodeen dhammaan dalalka; ayna anxiyeen lix waddan. Midka labaadna waa mid laba waddan oo keliya ay si buuxda u qaybsadeen biyaha dhexdooda. Sidaa darteed, haddii beesha caalamku cadaalad tahay, waxay dooran kartaa midda saxda ah,” ayuu yiri, isaga oo sharraxayay isbeddellada uu keenay dhaqan-gelinta heshiiska.

 

"Itoobiya waxay ku dhaqmaysaa heshiiskan" ayuu yiri Lem. Sida ku cad heshiiska cusub, Itoobiya waxaa looga baahan yahay inay xaqiijiso in mashaariicda ay ka fuliso biyaha Niilka ay yihiin "kuwa ay hubisay in geeddi-socodka horumarineed ee ay waddo uu la jaanqaadayo horumarkeeda si cadaalad ku dhisan”.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay xaqiijin doonto in aysan dhibaato u gaysan qorshayaasha wadamada kale.

bbc/somali
Loading...
Loading...