Xeel-dheere Sharraxay Ahmiyada uu Somaliland iyo Itoobiya u leeyahay Heshiiska Is-afgarad

0
Monday October 14, 2024 - 08:38:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Xeel-dheere Sharraxay Ahmiyada uu Somaliland iyo Itoobiya u leeyahay Heshiiska Is-afgarad

    Waxa kaloo khabiirku sheegay in dhinaca siyaasadda heshiiskaasi ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa kaloo khabiirku sheegay in dhinaca siyaasadda heshiiskaasi ..



Professor Ter Majok oo macallin sare ka ah Jaamacadda Juba ee dalka koonfurta Suudaan, ayaa sheegay in heshiiska isfaham ee wada galeen Somaliland iyo Itoobiya ay labada dhinac ka faa’iidi doonaan fursado dhaqaale oo waxtar u yeesha mandaqada Geeska Afrika.


 

Prof. Ter Majok wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta dawladda Itoobiya, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), waxaanu tilmaamay in heshiiska is afgarad (MoU)-gu uu ahmiyad u leeyahay Itoobiya oo uu xusay in dhaqaalaheeda xawliga u koraya darteed ay u baahan tahay kaddin baddeed.



 

Waxa kaloo khabiirku sheegay in dhinaca siyaasadda heshiiskaasi faa’iido badan u yeellanayo Somaliland iyo Itoobiyaba. Waxaanu xusay inuu horseedi doono isku-xidh ganacsi oo dhex mara labada shacab.


 

Mr. Ter Majok wuxuu bayaamiyay inuu aaminsan yahay in heshiiskani isdhexgal dhaqaale iyo fursado shaqo abuur u yeellan doono dalal kale oo ka baxsan labada dawladood ee heshiiska wada galay.

Loading...
Loading...