Saddexda Habrood Awgood,Qarankeenu Socon Maayo,Si La Yeelo Garan Mayno.

0
Sunday October 13, 2024 - 09:58:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddexda Habrood Awgood,Qarankeenu Socon Maayo,Si La Yeelo Garan Mayno.

    Suldaanada Saqiire,Beryahan Seegay Marinkii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaanada Saqiire,Beryahan Seegay Marinkii,



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Suldaanada Saqiire,Beryahan Seegay Marinkii,

 

Siyaasigu Kiraystee,Lahayn Saliyo Baartoona,



 

Somalilaan Qaybshay,Samahana Ka Talinaynin,

 

Siibsiibay Qarankeena,Siista Shilin La Soo Siiyo,


 

Sunta Cune Sad Moodaya,Suldaaray Qarankena,

 

Suufdaran Habawgoodu,Somalilaan Muxu Yeeli,


 

Soomaalilaan Sheegte,Soomaali Weyn Dooneh,

 

Sacabaw Tuntaan Waali,Idinkoon Sifayn Ruuxa,


 

Subaxi Salaantisa,Saqdadhexena Xamar Jooga,

 

Somaalilaan Maah,Suudh Dukaanka Lagu Iibsho,


 

Somaalilaan Maah,Qaran Roobku Soo Saaray,

 

Sumuciyo Rasaas Oloshay,Dhiig Sunsumayweyo,


 

Sumadeedu Waa Calanka,Saldhigeeda Lagu Tagay,

 

Samaxad Midnimo Weeye,Iyo Samo Ku Noolaansho,


 

Sanku Neefleh Duminaayo,Ciidamaa U Soo Jeedah,

 

Sacab Laysu Tumaayo,Meel Siyaasadeed Ma Aha,


 

Salka Hoose Ciideeda,Safaf Meydaad Daadsan,

 

Saqiir Hooyadood Waaydey,Iyo Hooyo Sey Weyday,

 

Selelkooda Naga Dhwara.Dushoodaydun Socotane,


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...