Maayarka Hargeysa Oo Kharash Badan Ku Bixinaya Bandhig Faneedka Hargeysa Stadium Ee BK.
Hargeysa(HWN):-Maayar magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa dabada ka riixaya bandhig faneedka kharashka badani ku baxayo ee xukuumadu abaabushay inay garoonka hargeysa Stadium ugu qabato fanaanka Maxamed BK.
Bandhig faneedkan uu maayarka Hargeysa ku bixinayo kharashka badan ayaa salka ku haya inuu ku raali geliyo fanaanka Muxaafidka ah ee Maxamed BK oo waji gabax kala soo guryo noqday magaalada Nairobi oo uu doonayey inuu ku soo qabto bandhig faneedyo fashil ku dambeeyey.
Fanaanka BK ayaa markii uu ku guul daraystay in bandhigyadiisii Nairobi ay u soo galaan dad badan isla markaana ay dabada u jeediyeen soomaalida Nairobi waxa uu miciinsaday inuu shacabka somaliland u sheego in bandhigyadii ay ka qabsoomi waayeen dadka soomaaliya u dhashay ee ku sugan wadanka Kenya, isaga oo istusay inuu xukuumada somaliland kaga helo karo taageero dhaqaale iyo bandhigyo ay u abaabulaan masuuliyiinta dawladu.
Warar soo baxay ayaa haatana sheegaya in fanaanka BK aanu ku faraxsanayn bandhig faneedkauu maayarka Hargeysi shaaciyey in fanaankan loogu qaban doono garoonka Hargeysa stadium ka dib markii uu dareen tabani ka soo noqday fariin uu maayarku dhigay bartiisa Facebook oo la xidhiidhay bandhig faneedka, waxaanu haatan qorshaynayaa sidii uu ugu wareejin lahaa mid ka mid ah hudheelada waa weyn ee magaalada Hargeysa.
Sidoo kale dadka ugu badan ee u ololaynaya bandhig faneedka fanaankan ayaa u badan taageerayaash Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.
maayarka magaalada Hargeysa oo isagu dedaal iyo dhaqaalaba galinaya bandhig faneedka fanaanka BK ayaa ah mid ay dayacan tahay hawlihii loo igmaday ee caasimada, iyada oo dhaliilaha dul hoganayana laga dareemi karo nadaafad darada magaalada ka jirta iyo burburka ka muuqda wadooyinka.
Marka laysku soo duubana sababaha ugu waa weyn ee ay xukuumadu awooda u saartay abaabulka bandhig faneedka BK ayaa loo aanaynayaa inay doonayso in dadweynuhu ay kaga jeestaan dhaliilaha dul hoganaya.