Xuska 30 guuraddii Xasuuqii Jasiira ''...W/Q Axmed Nuur Guruje

0
Thursday July 18, 2019 - 19:38:32 in Articles by
  • Visits: 1801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska 30 guuraddii Xasuuqii Jasiira ''...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Xuska 30 guuraddii Xasuuqii Jasiira ''...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuska 30 guuraddii Xasuuqii Jasiira ''...W/Q Axmed Nuur Guruje


17-07-1989 , Magaaladda Mogdisho waxaa lasoo geliyay saqdii dhexe ciidamo ka tirsan Qaybtii 77 aad iyo Guutaddii 2 aad ee Ciidamadii M S Barre , kuwaasoo ujeedadda loosoo geliyay ahayd , qabqabashadda , uruurinta iyo xidhista dadkii shacibka ahaa ee ku noolaa Magaaladda Mogdisho ,kana soo jeeday Somaliland .

Image may contain: 1 person, smiling


Ciidamadaasi habeenkaa waxay gacanta ku dhigeen 43 qof oo isugu jiray , Aqoon yahan , ganacsato , dhalinyaro iyo waayeel aanwaxba galabsanin oo guryahooda iska hurda .


Madaxdii Ciidankaa wadatay ee hawshaas fulisay waxay kala ahaayeen , Taliyihii ciidankii xooga , Gen Maslax Maxamed Siyaad , Taliyihii Guutadda 2aad , Gen Canjeex iyo Col dhaga-bacayr oo ahaa Ciidanka Koofiyad casta , dhamaantoodna ahaa xigaalka Madaxwayne Farmaajo .


43 qof markii la isu geeyey , waxaa la geeyey xeebta Jasiira ee Magaaladda Mogdisho halkaas ayaana laggu toogtay laguna laayay .


Hadaba Taliska Farmaajo isagoo xusaya 30 guuradda dhacdadaas Murugadda leh wuxuu magacaabay 17-07-2019 guddi ay xubno ka yihiin ,


1- Gen Cabdiraxaan Guul-wadde oo ahaa wiilka Maxamed Siyaad Barre ,maadaama ay u dhaxday Ina Maxamed Siyaad, kana tirsanaa hawl-wadeenadii taliskii M S Barre .


2- Gen Axmed Xasan Muuse , oo ahaa waagaas Taliyaha Ciidanka Booliska , ka dib na wiilkii keliya ee ka hadhay dhacdadaas ku yidhi '' aqalkayga iyo kii lagaala baxay waa isku mid , markaa kuma magan gelin karro '' . dhacdadaas awgeedna shaqadii isaga casilay .


Sidaa daraadeed xubnaha uu magacaabay Farmaajo ee gudidada uu ku sheegay ee ay ku jiraan hawl-wadeenadii taliskii M S Barre , waa xuska 30 guuraddii Xasuuqii Jasiira .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...