Xuska 30 guuraddii Xasuuqii Jasiira ''...W/Q Axmed Nuur Guruje
17-07-1989 , Magaaladda Mogdisho waxaa lasoo geliyay saqdii dhexe ciidamo ka tirsan Qaybtii 77 aad iyo Guutaddii 2 aad ee Ciidamadii M S Barre , kuwaasoo ujeedadda loosoo geliyay ahayd , qabqabashadda , uruurinta iyo xidhista dadkii shacibka ahaa ee ku noolaa Magaaladda Mogdisho ,kana soo jeeday Somaliland .

Ciidamadaasi habeenkaa waxay gacanta ku dhigeen 43 qof oo isugu jiray , Aqoon yahan , ganacsato , dhalinyaro iyo waayeel aanwaxba galabsanin oo guryahooda iska hurda .
Madaxdii Ciidankaa wadatay ee hawshaas fulisay waxay kala ahaayeen , Taliyihii ciidankii xooga , Gen Maslax Maxamed Siyaad , Taliyihii Guutadda 2aad , Gen Canjeex iyo Col dhaga-bacayr oo ahaa Ciidanka Koofiyad casta , dhamaantoodna ahaa xigaalka Madaxwayne Farmaajo .
43 qof markii la isu geeyey , waxaa la geeyey xeebta Jasiira ee Magaaladda Mogdisho halkaas ayaana laggu toogtay laguna laayay .
Hadaba Taliska Farmaajo isagoo xusaya 30 guuradda dhacdadaas Murugadda leh wuxuu magacaabay 17-07-2019 guddi ay xubno ka yihiin ,
1- Gen Cabdiraxaan Guul-wadde oo ahaa wiilka Maxamed Siyaad Barre ,maadaama ay u dhaxday Ina Maxamed Siyaad, kana tirsanaa hawl-wadeenadii taliskii M S Barre .
2- Gen Axmed Xasan Muuse , oo ahaa waagaas Taliyaha Ciidanka Booliska , ka dib na wiilkii keliya ee ka hadhay dhacdadaas ku yidhi '' aqalkayga iyo kii lagaala baxay waa isku mid , markaa kuma magan gelin karro '' . dhacdadaas awgeedna shaqadii isaga casilay .
Sidaa daraadeed xubnaha uu magacaabay Farmaajo ee gudidada uu ku sheegay ee ay ku jiraan hawl-wadeenadii taliskii M S Barre , waa xuska 30 guuraddii Xasuuqii Jasiira .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





