Wadamo Ingiriisku Ugu Horeeyo Oo Ku Yaala Qaaradaha Yurub Iyo Ameerika Oo Shaaciyey Inay Joojiyeen Isticmaalka Diyaarada Boeing 737 Max.
London(HWN):-Wadamo ka tirsan qaarada Yurub ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen isticmaalka diyaarada Boeing 737 Max.
Sida uu ku waramay wargeyska The Guardian ee ka
soo baxa wadanka Britain Wadamadan oo kala ah UK, Germany, Austria, France Iyo Irelan ayaa iyaga oo tixraacaya shilkii labaad
ee ay mudo shan bilood gudahood ah gasho diyaarad ay samaysay shirkadaasi waxay
ku dhawaaqeen inay hakiyeen isticmaalka diyaarada Boeing 737 Max iyada oo ay
wali sii kordhayaan cadaadiska lagu hayo shirkadaas ee la xidhiidha badqabka
diyaarada Boeing 737.
Sidoo kale wadamada ku yaala qaarada ameerika ee Argentina, Mexico iyo Brazil ayaa sidoo kale hakiyay isticmaalka diyaaraddaasi Boeing 737 Max 8.
Afhayeen u hadlay wakaalada duulimaadyada ee dalka UK ayaa sheegay inaanay wakhtigan hayn xog ku filan oo ku saabsan sanduuqa madow ee duuba xogta diyaarada sidaas darteed waxaanu soo jeedinay in la hakiyo duulimaadyada ganacsiga ee soo dagaya ama ka kacaya hawada UK.”
Sidoo kale duuliye u dhashay UK oo lagu magacaabo union Balpa ayaa soo dhaweeyey go’aankan isaga oo sheegay in badqabka diyaaradu uu yahay muhiimada koowaad.
Halkan Guji Si Aad U Sii Akhrisato Warbixintan Oo Wadamo Kalana Xusaysay