Deegaanadee Ayey Ka Soo Kala Jeedaan Guddida Uu Farmaajo U Magacaabay Wada Hadalka Somaliland?

0
Thursday July 18, 2019 - 19:21:21 in News by
  • Visits: 13367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaanadee Ayey Ka Soo Kala Jeedaan Guddida Uu Farmaajo U Magacaabay Wada Hadalka Somaliland?

    Deegaanadee Ayey Ka Soo Kala Jeedaan Guddida Uu Farmaajo U Magacaabay Wada Hadalka Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanadee Ayey Ka Soo Kala Jeedaan Guddida Uu Farmaajo U Magacaabay Wada Hadalka Somaliland?


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi uu ugu magac daray dib u heshiisiinta iyo wada hadalada Somaliland iyo dawladiisa.




Wareegto uu shalay soo saaray wuxuu ku magacaabay guddi ka kooban 6 nin oo laba ka mid ahi ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland balse uu midkod ka tirsanyahay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana guddiga guddoomiye u ah xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo dawladii Cabdillaahi Yuusuf ka soo noqday wasiirka arrimaha dibadda, halka uu ku xigeena u yahay Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade. Guddiga uu Farmaajo magacaabay iyo deegaanada ay ka soo kala jeedaan ayaa kala ah sidan


Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil (Biyo-maal)

Cabdiraxmaan Cabdi Guulwade (Sheekhaal)

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow (Hawiye, Abgaal)

Dr.Cali Siciid Fiqi, (Hawiye, Habar-gidir)

  1. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse (Isaaq, Habar-jeclo)
    4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangeli (Dhulbahanate)

Xeerka uu Farmaajo soo saaray wuxuu guddigan u xilsaaray qodobadan

  1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
  2. In ay diyaariyaan cilmi-baadhis tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
  3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
  4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
  5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.
Loading...
Loading...