In shaqo bannaan oo aad u tartantay ay denbi kugu noqoto weligaa maka fekertay? Qaybta 2aad

0
Tuesday October 08, 2024 - 17:38:48 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In shaqo bannaan oo aad u tartantay ay denbi kugu noqoto weligaa maka fekertay? Qaybta 2aad

    Yaa ku yidhi Soo gal imtixaanka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa ku yidhi Soo gal imtixaanka?

Waxay inoo maraysay ninkii sarkaalka ciidanka ah ahaa oo nasoo joojiyay xafiis ay fadhiyaan qaarka mida madaxwaaxeedada xarunta Gudiga Doorashooyinka Somaliland oo yidhi ninkaa imtixaankii buu iskagalay e warayso, wuxuu yahay, xaguu ka yimi, iyo wuxuu waday, baadhitaana kusameeya, report-na ka qora.
Markii uu askarigu hadalkaa ammarka ah siiyay nimankii Xafiiska fadhiyay kor ayay iiwada eegeen kuwii Nala socdayna way istaageen, qaarna way fadhiisteen, askarigina wuu sii baxay.


Kii ugu sarreeyay markaa kuwa Xafiiska fadhiyay shaqadan imtixaankeeda La gelayaana kusaysey ayaa yidhi "Soo fadhiiso" sifiicanna markii hore iila hadlay oo igu yidhi "Shaydaanka iska naar oo noo warran"
Waan isu sheegay siday wax u jireen, inaanay cidina i wadin, inaan imtixaanka sidaa ku galay, inay jireen doorashooyin hore oo aan kasoo shaqeeyay, inoo caddayntii Doorashooyinkii hore ee aan kasoo shaqeeyayna tusay oo uu akhriyay, waxaan ugu Soo gebaba gebeeyay markii horena Cidi imay wadijirin, hadana Cidi Ima wado, cid iiga dhaw, faham ahaan iyo farsama ahaana ma jirto, ayaan ugusoo geba gebagebeeyay hadalkii.
Markaasuu calaacal ku bilaabay dalka, waad ka warhaysaa meeshana, meelahaas markuu marayo ayay kuwii kalena suaalo bilaabeen,

Qolomaad tahay?
Yaa ku yidhi Soo gal imtixaanka?
Yaa ku garanaynaya?
Suldaankaagii noo wac!
Denbibaad gashay e.
Waxaa keliya ee iiga muuqda nimankaa hadalaya in mansabka iyo shaqada ay hayaan u isticmaalayaan igu cabsigeliyaan, oo aan is qoomameeyo igana dhaadhiciyaan inaad imtixaankaa galaa inay denbi ahayd
In imtixaan Dawladeed lagalaa haday denbi tahay, hada waaba laysoo xidhay oo waxaan joogaa xafiiskiinii ee waxaa jeceshihiin sameeya, bal idinku denbigaad sheegaysaan igu qaada.
Kudarsoo intaanu wada hadlayno iyo intaan soosoconayba dad horleh ayaa Soo wacaya oo waan kugu darayaa ay jawaabtoodu tahay.

Ninkii xafiiskiisa aynu joognay ee kuwii suualaha shimbiro waaqlaynta ahi ay na dhex maraysay wuxuu hadal kusoo gooyay.

"Ninkaa askariga ahi ammaanka meeshuu qaabilsan yahay ee u tagoo waxaad tidhaah, waan khaldamaye isii daa u noqomaayee, taana digniin u qaado"

Qosolbaaba I qabtay Marna wiswis, sida uu ninkaa wayni mansabka yar ee uu hayo isu leeyahay isaga dhig mid isagu sharciga haya, yaqaana, sameeya dadkana ku handadi kara!
Tolow kaa oo wax intaa ka roon dadka u hayaana muxuu samaynlahaa?

Waxaan ku idhi idinkaaba Suuqa igasoo qaatay oo xafiiskiiniina waan joogaa ee maad sida raga u hadashid ood tidhaahdid "Midh shaqo ah ku siin maynee orodoo naga tag" Annaa bannaanka ka Bixi lahaa e
Wuxuu iigu jawaabay "hadii aad dooda badiso oo aad diido inaad raaligelin bixiso askarigaasi wuu ku xidhayaa, CID da ayuu ku geynayaa denbina waa laguu samaynayaa!"

Waxaan ku idhi "kama baqo in aniga denbi layga Galo ee ka denbiga gelaya ayay tahay inuu baqo"
Afkiibaa juuqda gabay markaa oo qaylo iyo buuqbaa meeshii ka dhacay.

Markii hadalkii uu gabaabsiyay meeshiina hadalkii ka taagtaagmay askarigii xarunta Gudiga doorooshinka xabsiga uu isagu leeyay u fahamsanaa inay tahay ee nagu Soo xareeyay ayaa meelahan kasoo booday oo yidhi "waan xidhaaya, waan gudbinayaa"

"Waar qorigaagii Soo qaado hada oo meeshu waa xafiiskiini ee na toogo hadaad rabto"
Askarigiina hadalkii waa ka dhamaaday markaa oo xagaa ayuu isaga sii kacay.

Kii maantaba xafiiskiisa aanu joognay ee kursiga yar ee uu isku ruxayo, jaakada yar, iyo dhismahan uu ay dawladu leeday, shaqaalena uu ka yahay bajinta u isticmaalayay ayaa hadalkii kusoo gebo gebeeyay bal inakeen xagaa aanu albaabka kaasoo xidhnee, orodoo iska tagna hadalkii iigusoo gaabiyay, halkiibaana isugu kaaya danbaysay.

Hadaba cibaarada Halkan ku duugani maaha in aynu sheeg sheegno wixii ina dhexmaray shaqaalaha maaskiinta ah ee shaqada ay hayaan khalad fahamsan een xitaa garanayn waxaa xaq loogu leeyahay iyo waxay xaq iyagu leeyiin.

Maaha inaynu u barooranayno shaqo laynoo diiday, oo xitaa haday caddaalad u dhici lahayd inaynu kusoo baxno iyo inaynu dhacno ay ka dhaxaynlahayd, ee waa inaynu Soo korodhsanay cilmiga cudur dilaaya oo dawadiisii u baahan,

hoostana inaynu ka calaamadino caynta uu fadhiyo, tilmaano, wixii aynu katari karnana ka taro ama cidii ka tari karta la wadaagno, ay tahay dhawrkan arrimood.

1- Gudiga Doorashooyinka dhaartoodii waxaa kamida ahaa inay caddaalad ku shaqayn doonaan, maadama ay waxaasi xaruntooda kasocdaan dhaartaasi sidaasay durba ku jaban tahay, wixii intaa kabadana cidda sii aaminsan ayay jirtaa.

1- Isku cabsiinta shaadhka iyo mansabka dawlada waa arrin bulshadeena aad ugu badan, shacabkuna rumaysteen balse aan Lugo ku taagnayn.
Talo bixin Gudiga Doorashooyinka.

1-Farkasta oo aad qaadaan caddaalad uunbaa laydinka fishaa sidaa ku dhaarateen, markaa hadii halkii ugu hoosaysay ee caddaalada laydinka waayo, mooyi si tu kasii wayn laydinka heli karo, balse xusuusnaada dhaartaas jebinteeda iyo caddaalad la waayaba dhibka ka dhallankara.
Talo Shacabka

1-Shacabka iyo dhalinyarada waxaa ku waajibba in waxaa ay xaq u leeyiin iyo wax xaq loogu leeyayba ay bartaan oo aanay cidnaba cabsi gelin iyo si xun u adeegsiga haybad Dawladeed aanay ka aqbalin. Sidoo kale aanay marnaba u nicin dalkooda, una niyad jabin ficilada liita ee kuwa liita ay sameeyaan.
Dhammaad!

Qore
Cabdiqani Aadan Maxamed
Hargeysa, Somaliland.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...