Natiijo rasmi ah oo kasoo baxday doorashadi Tunisia

0
Tuesday October 08, 2024 - 11:22:12 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijo rasmi ah oo kasoo baxday doorashadi Tunisia

    Guddiga doorashada ee dalkan dhaca Waqooyiga Afirca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga doorashada ee dalkan dhaca Waqooyiga Afirca



Madaxweynaha dalka Tunisia Qays Saciid ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Axaddii ka dhacday dalkaasi.

 

Kaddib marki uu muudo xileedkiisii koowaad ee soo billowday sannadki 2019-ki uu wax ka baddalay dastuurka, baarlamaanka kala diray, mucaaridkana xabsiga dhigay, ayuu Qeys hadda sii xajistay awoodda dalka.

 

Guddiga doorashada ee dalkan dhaca Waqooyiga Afirca ayaa Isniinti shalay ku dhawaaqay in Qays Saciid uu codbixinti Axaddii ka helay in ka badan 90.7%.

 

Hadal uu ka jeediyay xarunta dhexe ee ololihiisii doorashada ayuu 66 jirkaan ku sheegay, in dalka uu ka nadiifin doono dhammaan musuq maasuqa iyo qaswadayaasha. Wuxuu ballan qaaday in uu Tunisia ka difaaci doono khataraha gudaha iyo dibadda.

 

Qeys ayaa doorashada kaga guuleystay laba murashax oo la tartantay, kuwaas oo kala ah Zuheyr Magzawi oo ay mar xulafo wada ahaayeen, balse isu baddalay mucaarad, iyo Cayaash Zaamel oo doorashada ka qeybgalay isaga oo xiran.

isha/voasomali
Loading...
Loading...