Wasiir Fiqi Oo Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Ka Hadlay.
Wasiirka arimaha DIbadda SOomalaiya Axmed Mcalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshin ay soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka qaar.
Wasiirka oo warbaahinta
kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu ka warhayo in
xildhibaanada qaar ay u soo jeediyeen eed la xiriirta wax qabadkiisa,
"Waxaan ka mid ahay dadka aaminsan la isla xisaabtamo", ayuu yiri
wasiir Fiqi.
Waxa uu intaa raaciyay
in la kulmi doono xildhibaanada ka cowday, loona baahan yahay in la hubiyo dhab
ahaanshaha eedda.
Xildhibaanada Golaha
Shacabka qaar oo horay ula hadlay BBC da ayaa waxya sheegeen in ay wasiirka ku
haystaan gudasho la'aan la xirirta shaqooyinkii loo igmaday qaar.
Xildhibaan Jeesoow oo
la hadlay BBC da ayaa sheegay in wasiirku ka gaabiyay kiiska u dhaxeeya
Soomaaliya iyo Itoobiya.