In shaqo bannaan oo aad u tartay ay denbi kugu noqoto weli maka fekertay

0
Sunday October 06, 2024 - 16:33:02 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In shaqo bannaan oo aad u tartay ay denbi kugu noqoto weli maka fekertay

    Kii askariga ahaa oo ayaa afka nagaga Soo shubay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kii askariga ahaa oo ayaa afka nagaga Soo shubay
Horraantii bishan October ayaan ka war helay in Gudiga Doorashooyinka Somaliland ay 05/10/2024 imtixaan aan la shaacin, horena aan codsadayaasha xog Looga qaban uu qoondaynsan yahay in Jaamacada Hargeysa iyo goobo kale oo isla Hargeysa lagu Gelayo.

maadama aan hore Doorashooyinka Somaliland UGA Soo shaqeeyay maanba warwarin ee goortii uu imtixaanku qorshaysnaa ayaan goobtii iska xaadiriyay, waxaa lay Soo hordhigay magacyo la sheegay in kuwa la doonayo ay yihiin. Waxaan u sheegay liskaa inaanu magacaygu hore ugu jirin ee ay hadda igu daraan hadii kale oo aanay taa samayn Karina marka aan imtixaanka dhameeyaba ay awood u leeyiin in warqada imtixaanka aan ku galay ay jeexjeexaan, may IGA diidin.


Markii aynu imtixaankii dhamaynay ayuu warba inoo bilaabmay oo wiilkii imtixaanka sitay islasoo taagay "Yaa ku yidhi gal"? Anagoo wada hadlayna ayuu hadana Ii raaciyay "Waan ku gudbinayaa" gudbinta maxaad kawadaa baan ku idhi, intaanu Ii jawaabin ayuuba u yeedhayba askari meesha taagnaa iyo shaqaale farabadan oo kale, halmar ayay isqabsatay erayga ah "Yaa ku wayday? Yaa ku waday? Yaa ku soodiray?"

Waxaanba Soo xasuustay dacaayad odhanjirtay "Afrika hadaad cid u tagto adoo shaqodoonaya waxay ku odhanayaa "Yaa kusoo diray"

Waxaan u sheegay inaanu jirin qof Allah abuurtay oo isoo dirtay, ee aan imtixaanka keligay galay. Hadii aad taasi shaqaynayn warqadayda hadaba jeexjeexa ayaan u raaciyay.

Shaqaalihii iyo askarigiiba xanaaq ayaay ka wadheen "noo dhiib warqadiisa"inamari waryee waxaasaa nasoo doonayaya"

Haye inamariyaan ku idhi gaadhi shacab ah oo ay wateen ayaan Soo raacnay, ku darsoo warqadaydii imtixaankana askarigaa sita.

Intii aanu jidka siisoconay, sidii wax yasmo iyo yaraysi ku jiro ayay iila dhaqmayaan, dhega hadalna way igusoo tuurayaan, sida "ninka imtixaanka iskagalay" iyo wax lamida, balse balse anigu wax shido ahi IGA hayaan, halkaanu u socono iyo hadalkay ileeyiintoona.

Mid igu yidhi meel xarunta kamida ayaan madax ka ahay ayaa I waydiiyay "maxaa kugu kelifay inaad imtixaanka iska gasho"?

Waxaan u sheegay in waxa imtixaankan kelifay inlagalo ay igu kelifeen inaan Anna Galo.
Intaanu suaal danbe I waydiin ayuu kii askariga haa ku yidhi hawshaa annagaa lehe noo dhaaf.
Xaruntii Gudiga Doorashooyinka ayaanu galnay taa oo iyaga bajin, caga juglayn iyo cabsi gelin ay islahaayeen ka dhiga balse anigu fursad aan u arkaayay in maadama aanan denbi dalka iyo dadka toona ka gelin ay arrintaydu noqon Karto mid ugu yaraan halkii aan filayee ahayd hadaan lagu Rabin aadyar baa warqadaada layska tuuri ay meel ka sarraysa gaadho.

Kii askariga ahaa oo ayaa afka nagaga Soo shubay xafiis ay fadhiyaan dhawr nin oo qaar ay ahaayeen madax waaxeedyo iyo shaqaale kale ay ku jiraan.

Askarigii na horkacayay kii xafiiskiisa aanu tagnay wuxuu u sheegay, inaan ahay nin imtixaankii iska galay, wuxuuna faray in baadhitaan laygu sameeyo, lay wareysto, meeshaan ka imid, waxaan wayday, waxaan ahay, reports layga qoro, wuuna iska baxay.

Xafiiska wixii inagu dhexmaray iyo sidaanu ku kala nimi. lasoco qaybta danbe.

FG: Xogtan uma Soo gudbinayno inaynu cid ka cabano, eedayno, ama ceebayno.

-Balse waxay masuuliyadi inaga saarantay in aynu ugu yaraan hoosta ka xariiqno Cudurada dalkeena curyaamiyay, oo ka midtahay isdiidada dhaarta iyo waxaa dhacayaa.

Qore
Cabdiqani Aadan Maxamed
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...